Shirkadaha Shidaalka Oo Ka Hadlay Sababta Ay U Dalbadeen Maalgashiga Haamaha

0
344

Hargeysa (Dawan)- Masuuliyiinta midawga shirkadaha wadaniga ah ee dalka keena shidaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababihii ku kalifay in ay xukuumadda Somaliland u soo bandhigaan in ay maal-gashadaan kayda Haamaha Shidaalka ee Magaalada Berbera.
Masuuliyiintan midawga shirkadahan oo shir jaraa’id oo wada-jir ah ku qabtay magaalada Hargeya, ayaa waxay sheegeen in ay ku soo dhiiradeen maal-gashiga kadka Haamaha Shidaalka, kadib markii ay meesha ka baxday shirkaddii TOTAL ee kootada ku hasyatay maamulista Haamaha Shidaalka Berbera, waxaanay tilmaameen in tallaabadaasi ay uga mahad-naqayaan madaxweynaha Somaliland oo 23-kii bishii 11aad ee sannadkii 2011-kii wareegto ku laalay gacan ku hayntii shirkada Total, taasina ay keentay in muwaadiniintu ay ku soo dhiiradaan keenista shidaalka.
Guddoomiyaha Shirkada Waraabe Cali Ibraahin Ciise, ayaa ugu horrayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id, isaga oo ka hadlay sababaha keenay in ay ku dhiiradaan maalgashiga Haamaha, waxaanu ammaan u jeediyay madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaanu yidhi “Waxaan mahad iska leh Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo tan iyo intii la doortay, wax dhis iyo wax hagaajin mooyaane aanaan ku arag wax khalad ah ama hagrasho ah. Taas oo aad aragtaan iyada oo dhaqaalaheenu kooban yahay sida ay wixii yaraa u beekhamiyeen, ama laami ha ka dhisaan, guri ha ka dhisaan, waddo ha ka dhisaan ama deked ha ka dhisaane sida ay wax u dhisayaan.”
Guddoomiyaha Shirkada Waraabe Cali Ibraahin Ciise,  waxa kale oo uu intaa ku darya “Waxaanu nahay shirkadihii iyada oo Total ay haysato ugu yimi ee dhibku ka soo gaadhay, waxaanu nahay shirkadihii khasaaruhu ka soo gaadhay markii Total haysatay, waxaa taa naga furdaamiyay Madaxweynaha Somaliland, markii uu ka qaaday Total. Dawladdu intii itaalkeeda ah way dhistay, wax bay ka qabatay, haamo cusuub ma soo kordhin karto oo hantida cashuurta dalka ka soo baxdaa uma saamaxayso in ay haamo ku dhisto ama garoonno iyo dekedo ku dhisto.”
Mudane Cali Ibraahim Ciise waxa uu si gaar ah uga hadlay sababaha keenay in ay ku dhiiradaan maalgashiga kaydka Haamaha Shidaalka dalka, waxaanu yidhi “Sababta keentay in aanu dalbano oo aanu ku dhiirano maalgashiga Haamaha waxa weeye, dalkii oo ballaadhay, ummaddii oo faro-badatay, waxaa laga yaabaa markii la dhisay in laba boqol oo gaadhi ay socdeen, maantana ay socdaan laba boqol oo kun oo baabuur, markaa ma lix iyo toban kun oo Mayaa dalka u noqon kara kayd, Total hadday wax dhisayso kayd ayay dhisi lahayd, anigu maanta waxaan doonayaa in aan dhiso labaatan haamoood qaada min lix kun oo tan, oo boqol iyo labaatan kun oo tan ah, hantida anigu waxaan u quudhayaa in aan dalkayga iyo ubadkayga dhaxal u reebo. Waxaana taa nagu dhiiri geliyay waxqabadka  ay waddo  dawlada  maanta tallada hasyaa.”
Guddoomiyaha Shirkada Waraabe, waxa kale oo uu farta ku fiiqay in midawga shirkadahani aanay marnaba diyaar u ahayn in ay kooto ku haystaan isticmaaka Haamaha iyo keenista shidaalka waxaanu yidhi “Ummadda haddii been loo sheegay oo la yidhi ganacsatada kale cid shidaal keeni kartaa ma jirto, waxaanu u sheegaynaa in nin kastaaba keeni karo kuna shuban karo haamaha, isla markaana aan cidna kooto loogu xidhin, shidaalkuna uu u madax banaan yahay, annagu haamaha ayuun baanu kiraynay waanuna kordhinaynaa, nin kastaana wuu ku shuban karaa.”
Guddoomiyaha shirkadda shidaalka Som Petroleum Cabdillaahi Jaamac ayaa isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay, waxaanu sharaxay baahiyaha keenay in ay xukuumadda ka codsadaan maalgashiga Haamaha Shidaalka, waxaanu sheegay in ay kordheen xadiga gaadiid, warshadaha iyo qalabka ku shaqeeya tamarta shidaalka, baahi wayna loo qabo in la ballaadhiyo xajmiga haamaha shidaalka Berbera, waxaanu yidhi “Waxaa noo muuqatay oo aanu aragnay oo codsiga nagu kalifay in haamaha kaydka shidaalka Barbara mugoodu soo yaraanayo oo uu soo koobmayo, baahidii shidaalka iyo suuqii shidaalka ee dalkeena iyo wadamada jaarkuna ay sii kordhayso. Sidaa daraadeed Haamaha kaydka shidaalku waxay u baahdeen maalgelin, waanu  daraasaynay oo waanu qiimaynay, dabadeednna xukuumadda oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalku ayaanu ka codsanay in aanu maal-gelino Haamaha.
Waanu uga mahadnaqaynaa laamaha kala duwan ee xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweynuhu, sida nalooga aqbalay codsiga marka hore ee naloo soo dhaweeyay, balse go’aankii golaha wakiilladu waxa uu ahaa mid aan ku dhisnayn xogogaalnimo oo aan ku dhisnay heshiis la galay oo la soo bandhigay ama wax cad oo ay ummada tuseen, markaa waxaanu u aragnaa go’aan aan ku dhisnayn xogogaalnimo oo seegay dariiqii saxda ahaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply