Ra’iisulwasaaraha Malaysiya oo ku Tilmaamay Mudaharaadada Dalkiisa Xaraam

0
301

Ra’iisulwasaaraa Malaysiya  Najib Razak  ayaa cambaareeyay abaabuleyaasha mudaharaadada ka dhacaya caasimada dalkiisa ee  Kuala Lumpur, kuwaasi oo ugu baaqaya  inuu is casilo.
Hadalkan ayuu  sheegay ka hor khudbadda sannadguurada dalkiisa.
Tobanaan kun oo Malaysiyan ah ayaa maalintii labaad mudaharaad ka dhigaya  magaalada Kuala Lumbur, iyaga oo ku baaqaya in uu is casilo rai’sal wasaare Najib Razak.
Mudaharaadkani wuxuu la xidhiidhaa fadeexad musuqmaasuq.
Sabtidii booliis badan ayaa wadooyinka joogay iyaga oo sharci daro ku tilmaamay dibad badax balse taasi ma aysan baajinin dadkii badnaa ee isu soo baxay.
Dibad baxayaasha waxaa ka cadhaysiiyay 700 milyan oo doolar oo soo gashay Razak loona soo mariyay bangiga taas oo uu ka helay deeq bixiyeyaal caalami ah oo aan la shaacinin.
Wuxuu diiday in uu wax khalad ah sameeyay, wuxuuna sheegay in dadkaasi mudaaharaadaya ay xumaynayaan sawirka Malaysiya.
Booliisku waxay ku qiyaaseen dadka mudaaharaadka ka qaybgalay 25,000 balse qolyaha abaabulay waxay ku sheegeen 200,000.
Rai’sal wasaairihii hore Mahathir Maxamad yaa si layaab leh uga soo muuqday mudaharaadka galinkii dambe ee sabtida, dadka oo u sacabaynaya ayuuna u sheegay in ay sii wadaan mudaaharaadka wuxuuna taageeray in uu is casilo Najib.
 

Leave a Reply