“Xisbiga WADDANI Waxaan Ku Dhaliilayaa Way Jirtaa, Wax Barnaamij Siyaasadeed Ah Oo Aanu Xisbiga Ka Arragnaa Ma Jirto ”

0
272

Hargeysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee  Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee xukuumadii  UDUB Mr.  Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa sheegay inuu qawadsan yahay xisbiga  mucaaridka ah ee WADDANI  oo uu ka tirsan yahay, waxaanu tilmaamay in aanu lahayn wax barnaamij siyaasadeed  ah oo ay ummada u soo bandhigaan.
 
Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa sidan ka sheegay waraysi uu la yeeshay suxufiga ruugcadaaga ah ee Faysal  Fadhfadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal, ayaa waxa uu ku dooday  in xukuumada Kulmiye dalka ka fulisay wax-qabad aan la dafiri Karin, waxaana uu  ku dooday  in aanay waxba ku hagaagayn in wax kasta la mucaarido.
“Waxa ay ku fiican tahay siyaasaddu in dalka dhinac kasta ka eegtid mana aha in Telefishan uun laga hadlo maadaama oo shantii sannadood ee  dawladda u dhammaatay. Xisbiyadda qaranka laftoodana shan sannadood ayaa la doortay way jirtaa.   Xisbiga  WADDANI waxaan Ku  diidanahay oo aan  oo aan ku dhaliilayaa way jirtaa.
Waxa aan jeclaa in xisbiga WADDANI barnaamij loo sameeyo oo aanu aragno oo dadka la tuso waxa aanu doonayno oo dadka lagu soo jiito oo ay noqoto wax wax tar ah  oo qiimo  leh oo aad ku bedalaysid kulana tartamaysid xukuumadda maanta joogta. Waa inaad tidhaahdaa qoddobkaas iyo barnaamijkaas ayaan kaga duwan nahay. markaa illaa imika  barnaamij siyaasadeed oo xisbiga WADDANI  iiga muuqdaa ma arragno, arrmahaas ayaan ku qawadayaa xisbigayaga WADDANI,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Warfaafintu.
 
Axmed Xaaj Daahir mar uu ka hadlayay sida uu u arko waxqabadka xukuumadda KULMIYE, waxa uu yidhi  “Waan ku amaanayaa xukuumadda tallada haysa wixii dalka ay ka qabatay idaacadii waa la weyneeyay, Telefishankii waa la sii balaadhiyay la iskuma hayo,  Madbacadaha Cusub  waan ku amaanayaa. waddooyinka la dhisay aad  iyo aad ayaa  wax muuqda oo la dafiri Karin ayaa la qabtay haddii la yidhaahdo wuxuun baan mucaaridaynaa waxa aan u malaynayaa in waxba dalka hagaagayne haa wax badan waa la qabtay iskana indho tiri mayno beena ka sheegi mayno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply