Saldhig Koronto oo laga Furey Koofur Afrika

0
279

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacop Zuma, ayaa si rasmi ah u furay qayb ka mid ah saldhig cusub oo koronto oo ah saldhigii ugu horeeyay ku dhawaad labaatan sanno.
Isagoo ka hadlaya saldhiga Medupi, Mr Zuma ayaa sheegay in koronto la’aanta waqti dheer ka jirtay waddanka ay dhaqaalaha u keentay hoos u dhac. Wuxuu sheegay saldhiga cusub inuu rajo fiican keeni karo.
Saldhiga oo ku shaqeeya dhuxul ayaa la filayaa in la wada dhameeyo sanadka 2019.
 

Leave a Reply