Xujaajtii U Horraysay Ee Reer Somaliland Ee Sannadkan Oo Dalka Ka Dhoofay iyo Wasiirka Duulista Oo Ka War Bixiyay

0
306

Hargeysa (DAWAN):-  Xujaajtii   u horraysay ee sannadkan soo gudanayay waajibkaadka diiniga ah ee Rukunka XAJKA,ayaa shalay ka dhoofay garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaaladda  Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa ka war bixiyay Duulimaadyada Xujaajta ee Sannadkan  ka dhoofaya Somaliland oo uu caddeeyay in sannadkan ay toos u tegayaan magaalada Jidda markay ka dhoofaan Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa isla markaana aan la sii marinayn meel kale.
Waxaa kale oo uu Wasiir Maxamuud Xaashi intaa ku daray in Madaarka diyaaradaha  Caalamiga ah ee Cigaal in ay sanadkan soo marayaan duulimaadyo XUJAAJ dalal kale la ka socda oo soo Xajaya oo Garoonka Cigaal Habeenimo ku soo beegmaya  taasoo ay suura galisay horumarinta balaadhan ee Xukuumaddu ku samaysay Garoonka.  Cigaal International Airport.
 
Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Hargeysa ka bilaabmeen daabulka Xujaajta reer Somaliland ee sanadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka, kuwaas oo hormadii u horeysay shalay iyo maanta ka amba-baxeen Cigaal International Airport.
“Waxaanu Maanta(shalay) halkan Garoonka Cigaal International Airport ka anbabixinnay, Xujaajtii Sannadkan 2015ka, ka Xajaysay Somaliland qayb ka mid ah, oo u baqoosha Dhulka barakasan ee waajibaadka Rugnigaa Diiniga ah ee Xajka lagu soo guto Maka, farxad weyn ayey noo tahay Wasaaradda Duulista iyo Shaqaalaheeda oo heegan u ah arirmaha bulshada, gaar ahaan Dadkan Dalkooda hooyo ku soo guryo noqonaaya, ama Dalka ka dhoofayaba, in ay adeegyo faro badan u sameeyaan,”ayuu yidhi Wasiirku.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray horumarka Garoonka laga sameeyay iyo sida uu Caalamka ugu soo xidhay Somaliland, waxaanu yidhi  “Waxaanu Maanta ku kalsoon Nahay Garoonkeenu maadaama uu hano-qaaday oo uu horumar balaadhan uu sameeyay mudadii ugu dambaysay ee Xukuumadan Axmed Maxamed Siilaanyo tallada dalka haysay, in ay Dadkaasi la kulmayaan adeegyo hufan, sidoo kale ILLAAHAY Mahadii weeye Duulimaadyadan Maanta Hargaysa ka duulaya ee Xajku waxay noqonayaan kuwo toos ah oo meel kalena aan ku baydhayn, oo ay ku tagaan meeshii ay ku socdeen.”
 
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxa kale oo Sanadkan isaguna, maadaama uu yahay Garoonkii Garoon  oo kulmiya Waddamo badan oo Geeska Africa ah Dadka u kala goosha, waxaa iyana ku cusbaan doona Xujaajta Duulimaadyo Habeenimo ah oo Dhulal kale iyo Waddamo awal la marin jiray, in halkan laga dhoofiyo, Dadkaa xujaajta ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ba ka Xajaaya, in halkan lagu kulmiyo oo laga dhoofiyo, adeegyadaas oo dhan ayey Wasaaraddu u diyaarisay, waana waxa Garoonkan Magaciisa iyo Meeqaamkiisa kor u qaadaya, Ilaahay Waxaan ka rajaynayaa in uu ka aqbalo Dadkaa xujaajta ah, ee waajibaadka Alle u Hogaansamay, anagana ajar iyo xasanaad uu nagasiiyo,”
 
Wasiirku mar uu ka hadlayey tirada xujaajta ah ee sannadkan la filayo in ay ka dhoofaan Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal, waxa uu yidhi:-“ Dadka reer Somaliland ee sannadkan Xajayaa waxaan ku qiyaasi karaa 2000 ilaa 2500 (Laba Kun Ilaa iyo Labakun iyo Shan Boqol), waxaa jira Dad kale oo ka xajaya Wadanka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan oo halkan soo maraaya, iyagana waxaan ku qiyaasayaa 1500 (Kun iyo Shan Boqol) waxaa jira Dad kale oo iyana meelo kale laga keeni doono oo aanu ugu tallo galnay in habeenkii halkan laga qaado, adigu qiyaas ahaan Dadka sannadkan ka baxayaa Garoonkan Cigaal waxa ay noqonayaan ilaa 5000 (Shan kun oo Qof).”
Dhinaca kale Xujaajta ka dhoofaysay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal  oo ka hadlay adeegga ay Madaarka kala kulmeen iyo sida uu u shaqeeyo, ayaa mid ka mmid ah Xujaajta oo warbaahita la hadlay ku cabiray dareenkiisa sidan. “ waxaan ka mid ahay Xujaajta ka timid Gobolada Somaliland ee ka dhoofaysa Madaarka Hargeysa ee Caalamiga ah, runtii Madaarku waa casri oo si fiicana ayaa loo habeeyey, shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo iyo Juba, waxay u shaqynayaan nidaam ka fiican kii hore, waxan loo shaqynayaa si aad u fiican, Diyaaradaha kuwii hore waa la badalay, oo kuwo waaweyn oo cusub ayaa shaqynaya, aadbaanu ugu mahad naqyanaa, waanu ku farax sanahay sida maanta Madaarka nagloogu adeegay iyo sida wax looga qabtayba.”
Hooyo ka mida dadkii Taraasidka ku ahaa Madaarka Cigaal ee ka dhoofayey oo iyaduna warbaahinta ka hadashay ayaa tidhi “ Aniga macagaynu waa Batuul Cumar Cabdiraxmaan, waxaan ka imid Gaalkacayo halkan Transit ayaan ku ahaa, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyey Masha Allah,   shaqaalaha madaarkuna si wanaagsan ayey noogu adeegeen.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply