Culimada Caafimaadka Oo Ka Digay Hurdada Badan Sheegayna Inay Xanuuno Keento

0
351

Khubaro in muddo ah waday daraasad ku saabsan hurdada badan ee maalintii ayaa ugu dambayn natiijadii ay kasoo saareen ku sheegay in hurdad waqtiga dheer la hurdo maalintii inay keento xanuuno kala duwan oo dadka ku dhaca.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda University of California  iyo sidoo kalena maxadka caafimaadka ee American State of health ayaa lagu sheegay in tijaabooyin badan oo ay sameeyeen ay ka heleen dhibaato badan oo dadka haysata taas oo ka timaada ama ay sababto hurdada waqtiga dheer maalintii la hurdo,waxaanay dadkii ay tijaabadaasi ku sameeyeen qaar badan oo kamid ah ka heleen xanuunadaasi.
Khubaradan ayaa sheegay inay xanuunadani dadka ku dhacaan kadib marka uu qofku hurdadaasi badan muddo hurdo oo ay yaraadaan socodka ay sameeyaan dhecaanada jidhka oo u shaqaynaaya hab Biology ahaana,kuwaas oo ay sidoo kale daciifayaan sidoo kalena ay yaraanayaan Metabolism kii ay soo daynayeen jidhku oo ah habka uu jidhka uga baxo raashinku.
Khubaradan oo muddo soo waday tijaabadan ,sheegayna inay ku sameeyeen kana qaadeen dad gaadhaaya ilaa 60 kun oo qof ayaa sheegay in qofka oo maalintii seexda ilaa toddoba saacadood ay ku filan tahay .
Khubaradan ayaa intaasi ku daray in qofka oo seexda sagaal saacadood iyo in ka badani ay keento inuu jidhka qofkaasi saamayn ku yeesho,sababtoo ah hab dhiskii jidhka ee kala duwanaa oo khal khal ku imanaayo,taas oo keenta inuu qofka saacadaasi seexdaa cabasho caafimaad keeno.
Waxaanay khubaradani talo kusoo jeediyeen in waqtiga hurdada aan laga badin lagana yarayn muddo toddoba ilaa siddeed saacadood ah oo ah inta ku filan qofku inuu seexdo.

Leave a Reply