Khubaro u dhashay dalkaasi Giriiga oo baadhitaano ay ku samaynayeen xadaaradihii hore dalkaasi ka waday ayaa biyo hoostood ka helay magaalo hore u jiri jirtay oo biyahaasi hoos martay, taas oo kamid ahayd magaalooyinkii qadiimka ahaa ee dalkaasi Giriiga.
Magaaladan ayaa ku agtaala magaalo hore oo qadiimi ahayd ,taas oo lagu magcaabi jiray Terra Submersa,waxaanay u dhow dahay godka caanka ah ee Franchti,taas oo kumanaan Square meters ah,halka biyahaasi ay dherer ahaan sidoo kale gaadhayaan ilaa saddex mitir.
Khubaradan ayaa sidoo kale helay qaybo ka kooban Hargo,Macdano iyo waxyaalo kale oo qadiim ah,kuwaas oo kasoo hadhay xadaaradihii hore,sidoo kalena leh taariikho aad u fog siday khubaradani sheegeen.
Khubaradan ayaa aaminsan in taariikhda magaaladani ay dib ugu noqonayso da’ahaan ama jiritaan ahaan ilaa 2500 oo sanno dhalashadii Nebi Ciise ka hor.
Khubaradan ayaa sheegay inay baadhitaanada wadayaan si ay u xaqiijiyaan helitaanka waxyaalo kala duwan oo intan ka badan taariikh ahaan,kuwaas oo khubaradan faa’ido u yeelanaaya.