Bishii December sanadkii 1967 ayuu tegay Harlod Hout xeebta Sheifiyut ee Dalka Austerliya si uu ugu soo dabaasho. Si deg deg ah ayaa loo waayay oo uu u qarsoomay ninkaasi, oo wakhtigaasi ku hawlanaa inuu noqdo ra’iisal wasaaraha dalkaasi. Dawladaa Austerliay ayaa qaaday tallaabo baadhis ah oo aad u weyn si loo soo helo ninkaasi halka uu ku danbeeyay raq iyo ruux. Harlod ilaa wakhtigan lama garanayo waxa la booday iyo halka uu ku danbeeyay.
Dadka iyana degan magaalada Toes ee ku taalla gobolka New Mexsico ee dalka Maraykanka ayaa cabasho kamuujiyay maqalka dhawaaq u socda si isdaba joog ah oo aanay garanayn meel uu ka soo baxayo. Magaaladan yar ayaa ahayd mid ku jirta nolol degan ilaa uu ku bilowday codkan aanay garanayn halka uu ka soo baxayo. Dhawaaqa ayaa u eeg guuxa mishiin Deisel ah oo si is daba joog ah u socda.
Maqalka guuxan ayaa magaalada ka dhigay mid degenaanshihii ka lumay, oo dadkana cabsi geliyay madaama aanay garanayn meel uu ka soo baxayo. Welina lama garanayo waxa sababa guuxaasi.