Haweenka Sucuudiga oo isku Diiwaangelinaya Musharaxnimo

0
476

Haweenka Sucuudi Carabiya ayaa markii ugu horeysay awood u yeelanaya in ay isku diiwaangeliyaan musharaxiinta doorashooyinka dawladaha hoose ee dalkaasi kadhacaya bisha Disembar.
Sannadkii 2011, doorashadii sannadkaasi ee ugu danbeeyay ayaa boqorkii hore ee geeriyoodey Boqor  CABDULLAH oggolaadey in ay haweenku xaq u yeeshaan in ay codeeyaan, islamarkaana u ordaan musharaxnimada doorashada. Isaga oo sheegay in ay diideen in la gooniyeeyo dumarka Sucuudi carabiya.
Sida ay sheegeen warbaahinta maxaliga ahi ilaa 200 oo haween ah ayaa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in ay isku sharraxaan xafiisyada.
Sannadkan waxa la dooranayaa laba saddex dalool xubnaha goleyaasha deegaanka, inta kalena waxa soo magacaabaya masuuliyiinta.
Halka sannad doorashadii hore ee 2011, kalabadh la dooranayay oo wada rag ahaa, inta hadheyna  la soo magacaabayay.
Sida ay sheegtay  jariirada  Saudi Gazette, saddex dalool meel xarumaha doorashada oo ah  1,263 goobood ayaa loo qoondeeyay haweenka.

Leave a Reply