Ismaaciil Buubaa Oo Labaatan Sanno Kadin Ku Soo Noqday Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

0
465

Hargeysa(DAWAN):- Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa dalka ku soo noqday ka dib markii uu muddo labaataneeye sanno ah ka maqnaa oo uu aaminsanaa mabda’a Federaalka oo uu hadda ka toobad keenay  isla markaana uu dalka ku yimi cafis Madaxweyne oo loo fidiyay.
 
Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in ay ogtahay kana war qabto soo noqoshada Prof. Buubaa,Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinata Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da,ayaa sheegay in Dawladdu ogtahay imaanshaha Siyaasi Ismaaciil Buubaa  horena u caddeeyay in uu ka noqday Mabda’iisii  lidka ku ahaa Somaliland ee Soomaali-weyn,  una soo  noqday qaddiyadda qarannimda dalkiisa hooyo ee Somaliland.
 
Prof.  Ismaaciil Buubaa oo shalay ka soo degay madaarka caalamiga ah ee magaaladda Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, ayaa ka hadlay u mahad-celiyay dadkii soo dhaweeyay.“Aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa dhalinyarrada, Haweenka, odayaasha  iyo dadka faraha badan ee halkan iigu yimid, saxaafaddana si gaar ah baan ugu mahadnaqayaa. Waynu wada hadli doonaa in badan laakiinse, waxaan maanta jeclahay inaan hadalkayga ku soo gaabiyo inaan aad ugu faraxsan nahay imaanshahayga, waxyaabo faro badan  waynu ka wada hadli doonaa. Waxaan rejaynayaa  in guul iyo wanaag u soo hoydo Somaliland, aniguna wixii kartidayda ah aan  Somaliland ku biiriyo,” Ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.
 
Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa,ayaa ka mid ahaa hoggaankii siyaasiga ahaa ee u soo  halgamay dib u xoraynta Somaliland ee SNM isla markaana ka mid ahaa golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii ugu horraysay ee Somaliland ee lagu dhawaaqay 1991 ee Dawladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabadiraxmaan tuur) ALLE ha u naxariistee. oo uu ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee xilligaa. Soo noqoshada Ismaaciil Buubaa ayaa waxay dhabar jab ku tahay dawladda Xamar ee wali ku dheggan kuna riyoonaysa in Somaliland ay mar kale la midawdo waxaanay markhaati cad  ka tahay in Somaliland aanay ka noqosho lahayn xaqiiqduna tahay qarannimada oo qof kasta oo mar saluugaaba u soo noqonayo.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply