Xisbiga UCID Oo Beeniyay In Xubintii Ay U Magacaabeen Komishanka Doorashooyinku Uu Is-Casilayo

0
314

Hargeysa (Dawan):   Ku Simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa sheegay in xubinta xisbi ahaan u ugu jirta Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdifataax Siciid Maxamed aanu u soo gudbin qoraal la xidhiidha inuu is-casilayo.
 
“Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo, arrin ku soo noq-noqonaysay warbaahinta oo ahayd  xubintii xisbiga UCID u magacaabay  Komishanka doorashooyinka qaranka Cabdifataax Ibraahim inuu iscasilay, halkan waxaan ka caddaynayaa illaa hadda xubintaasi warqad iscasilaad ah oo uu noo keenay ma jirto.
Xisbi ahaana waxaanu qabnaa waxa weeyaan haddii ay khibrad, aqoon iyo waayo-arragnimo tahay-ba   waa xubinta keliye ee ku dhex jira, sabab uu isku casilaa oo ku kelifaysaa ma jirto,” Ayuu yidhi  ku simaha xoghayaha guud ee xisbiga oo shalay u waramay STAR TV.
 
Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Waxay ku jiraan hawshii diiwaangelinta oo ay ku mashquulsan yihiin, markaa halkan waxaan ka caddaynayaa in wax istiqaalad ah oo uu noo keenay aanay jirin, sabab wakhti xaaridkana ku kelifaysaa aanay jirin maadaama oo wakhti doorasho iyo diiwaangelin lagu jiro oo markaa ay tahay wakhtiga Komishanku shaqadooda  u madax-banaan yihiin. Waxaan bulshadda iyo taageerayaasha xisbiga UCID u sheegayaa in arrintaasi wax alaalle iyo wax jira aanay jirin, shaqadiisiina wato.”
 
Ku Simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Annaguna la shaqaynayno sidii hawshaasi dhamaytirkeeda  iyo fulinteeda, waa furrihii dimuqraadiyadda weeyaan oo doorashooyinka ayay gacanta ku hayaan. Iygagana (Komishanka doorashooyinka) diyaar baanu u nahay inaanu la shaqayno oo ku sii guubaabino, waxaanan u ku boorinaynaa in xilkaa qaran ee ay hayaan isku duubni iyo wadajir uga baxaan, xilkaa qaranka u hayaan ee baaxada leh ee laga sugayo labada doorasho iyo diiwaangelinta inay qabtaana laga sugayo.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply