Nin Guri Ka Iibsaday Islaan Uu Filayay Inay Dhimanayso!

0
427

Islaanta u dhalatay dalka Faransiiska laguna magacaabo Eugenie Ballachar ayay  da’deedu gaadhay 90 sano. Wakhtigaasi oo ahaa 1965 waxayna keligeed ku noolayd guri dabaq ah oo ay lahayd oo ku yaalay magaalada Paris ka dib markii u dhintay odaygeedii iyo gabadh ay dhashay iyadoo aanay jirin cid halkaasi ku xanaanayn jirtay.
Mid ka mid ah garyaqaanada degan halkaasi ayaa la kulmay  una balan qaaday inuu siin doono bil kasta 2500 Doller, iyaduna ay ka ogolaato inuu ka dhaxlo dabaqan marka ay dhimato.  Soo jeedintaasi ayay ogolaatay  waxayna sharci ahaan u dhameeyeen wixii looga baahnaa oo dhan.
Garyaqaanka ayaa wakhtigaasi aad u  farxay maadama uu ku helayo guri dabaq ah lacag yar maxaa yeelay wuxu filayay inay noolaan doonto ugu badnaan 2 ama 3 sano oo danbe. Arinkaasi ayaa isu rogay sidii uu malaysanayay cakiskeeda waxaana ay islaantii da’deedu gaadhay 122 sano, iyadoo 30 sanadood ka qaadaysay garyaqaanka lacagtaasi ay heshiiska ku galeen. Waxa kale oo yaab noqotay in Garyaqaankii uu ka hor dhintay islaantii markii uu ku dhacay xanuunka Kansarku.  Waana muhiim in aan xusuusano in xaqiiqdu ay khilaafayso waxa aynu filayno.
 

Leave a Reply