Qoys Reer Britain Ah Oo Beed Ay Karsanayeen Ka Dhex Helay Kalmadda Tawxiidka

0
301

Qoys muslim ah oo u dhashay wadanka Britain ayaa beedad ay suuqa kasoo iibsadeen ,ayna doonayeen inay karsadaan ka dhex helay beed ay dhexda kaga qoran tahay kelmada Laa’ilaaha Ilalaah,kaas oo mucjiso ku noqday qoyskaasi.
Gabadha qoyskan oo lagu magcaabo Anisa Jdzisab da’ahaana jirtay 36 sanno ayaa soo iibisay kartoon beedad ah ,kuwaas oo ay kasoo iibisay meel suuqa magaalada London dhexdiisa ah salaasadii .
Gabadhan ayaa dhawr midh soo saartay ,iyada oo doonaysay inay odaygeeda ugu kariso quraac,kadibna markii ay intii badnayd jejebisay ayay eegtay halkii ay ku haysay faraheeda ,kadib markii ay sii siibteen faruhu,waxaanay ka heshay iyada oo ay ku qoran tahay kelmada Laa’Ilaaha Ilalaah,waxaanay noqontay arrin mucjiso ah oo ay aad ula yaabtay.
Gabadhan ayaa markiiba kula carartay odaygeeda oo hurday si ay u tusto waxay aragtay,isaga oo si weyn u eegay beedkaasi aadna ugu fiirsaday ,waxaanu sheegay inuu u qaadan waayey markii hore ,isaga oo ka hadlaayey waxa uu yidhi “waxaan si fiican ugu eegay falaadhaha cadceeda,markii aan arkayna waan naxay oo shoog ayaa i qabsaday”.
Ninkan oo lagu magcaabo Fariid ayaa beedkaasi u geeyey ninka Imaamka ka ah masaajidka Bulstr,isaga oo imaamkuna kula taliyey inuu ka dhex saaro beedadka kale oo meel gaara ku ilaaliyo.
Fariid ayaa sheegay ugu dambayn inuu beedkaasi dhigay meel quraarad ah waqtigan cid walibana soo booqan karto si loo arko.
 

Leave a Reply