Xikmadaha Dadka Wanaagsan

0
720

Saxaabiga Abuhurayra (rc) wuxu yidhi waxa jira saddex arrimood oo lagu badbaado iyo saddex kale oo lagu halaagsamo. Allah (sw) oo laga cabsado, wanaagga oo aad ka shaqayso iyo inaad noqoto ruux caadil ah waa saddex lagu badbaado. Saddexda halaaga  ahina waa hawadaada oo raacdo, naftaada oo ku yaab gelisa , iyo  bakhaylnimida.
Saddex kalena waa denbi dhaaf. Xiliga qabowga oo aad weyso qaadato, Salaadda jamaca oo aad ilaaliso, iyo adigoo ku tukada salaad masajid oo aan ka bixin ilaa salaadda danbe.
 

Leave a Reply