“ Bermuudda Waxa Ka Baxayay Nalal Wada Iftiimiyay Badda” “Barmuuda Waa Hadhaagii Ilbaxnimadii Atlantis” “Barmuuda Waxa Ka dhisan Carshiga Ibliis”

0
689

Muddo dheer ayay culimadu aad ula yaabanayd dhacdooyinka dahsoon ee ka dhacaya Barmuuda. Saddex xagalkaasi oo ku yaalla inta u dhaxaysa xeebaha Florida iyo Jasiiradda Bermuda. Waxaana jiray aragtiyo kala duwan oo laga qabo sababta lagu waayo Maraakiibta iyo Dayuuradaha saddex xagalkaasi.
Hadhaaga Ilabaxnimada Atlantis
Hadhaaga Ilabaxnimada Atlantis
Dadka qaarkood aya u malaynaya in saddexagalka Barmuda uu yahay magaaladii Atlantis city, taasi oo ahayd ilbaxnimo weyn oo halkaasi ka jirtay.Waxa kale oo ay qaarkood aaminsan yihiin inay tahay xarun ciidamada Maraykanku leeyahay  sida qaybta 51 oo kale oo badda dhexdeeda ku taalla , waxan dhacayaana ay yihiin waxay og yihiin.
Aragtiyo kale  waxay aaminsan yihiin inuu ku yaallo god u daloola duni kale oo wax kasta oo lagu waayo halkaasi looga gudbiyo dunida kale. Waxay aaminsan yihiin Hogan inay samaysteen shayaadiin qafaalanaya wixii saddex xagalka usoo dhowaada.
Waxa kale oo sii adkeeyay arinkan in sadex xagalka Bermuda ay degan yihiin shayaadiin markii sanadkii 1967 ay koox cilmiga Joqraafiga ah oo Maraykan ahi ay daraasad ku sameeyeen halkaasi, kuwaasi oo markii danbe sheegay in mandaqadan aanay u hayn wax fasiraad ah, iyagoo intaasi ku daray in laga yaabo inay degan yihiin shayaadiin.
Hadhaaga Ilabaxnimada Atlantis
Waxa kale oo jirta in sadex xagalkan Barmuda uu yahay mid ay aad ugu badan tahay gaasta dabiiciga ah iyo gaaska Methane, taasi oo gaaska Methane uu curiyo in biyihii qaradoodii yaraato taasina ay sababto in aanay doonyuhu socon Karin oo ay burburaan, isla markaana qarqoomaan. Laakiin waxa la is weydiiyay haddiiba Methane ay sidan biyaha ka dhigtay maxaa Dayuuradahana ku dhacay oo soo riday?
Waxa kale oo lagu sheegay inay noqon karto sababaha dayuurdaha iyo doonayaha ku dhacayaa inay tahay iyadoo barmuuda ku talla goob leh maqnaadiis xoog badan oo sababta in dheeli tiran la’aani ku timaado nidaamka hagida iyo  nidaamka wadida doonyaha iyo maraakiibta, iyo dayuuradahaba.
Aragti kale waxay aaminsan tahay in halkaasi ay ka dhacdo mawjado xoog badan, kuwaasi oo loo yaqaano mawjadaha gacanka. Waana kuwo aad ugu xoog badan oo saamayn ku yeesha sahanka iyo hagida gaadiidka badda, iyaguna ay yihiin kuwo masiibada keena.
Waxa kale oo deegaanka Barmuda caan ku yahay cimilo kacsan taasi oo sabab u ah inay da’aan roobab xoog badan oo wata dabaylo duufaano ah oo is haysta badda iyo samadeedba kuwaasi oo sabab uu ah burburka Maraakiibta iyo dayuuradaha .
Khuraafaadkii Chrostopher Columbus
Hadhaaga Ilabaxnimada Atlantis
Waxaa laga yaabaa inay goobtu tahay gobol yaab le
h oo dunida ku yaal kaasi oo aan loo hayn wax sharaxaad ah. Waxaana jirta in qarinigii 20aad,  laga soo tebiyay Barmuuda warar badan oo la rumaysan kari waayay.
Bad mareenkii Chrostopher Columbus ayaa isna sheegay in markii uu halkaasi marayay u arkay dab iyo laydhadh yaab leh oo halkaasi ka baxayay kuwaasi oo ilaa samda iftiiminayay. Kuwaasi oo aanay jirin cid kale oo sheegtay.
Aad ayaa loogu kala duwan yahay wax ka dhacaya gacanka sadex xagalka Barmuuda, iyadoo koox kasta ay ku sheegayso sharaxaad iyada gaar u ah, waxaana jira kooxo kale oo qaba in carshiga Ibliis uu ka dhisan yahay gacankaasi,
Waxa jira fasiraado kale oo badan oo yaab iyo tacajab leh. Laakiin dadka badankooda ayaa aaminsan in maalin uun la ogaan doono waxa ka dhacaya Barmuuda oo sirta qarsooni ay debedda usoo bixi doonto.  Adiguna akhriste aragtiyahaasi kii aad u aragto macquul ka qaado.
 
 
 
 
 

Leave a Reply