Doon Kalluumeysi oo ku Degtay Kuuriyada Koofureed

0
308

Hawlwadeenada gurmadka ayaa baadigoobaya wax ka samatabaxay doon kalluumeysi oo ku qalaama rogatey xeebta koofureed, taasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.
Doonta oo u baxdey socdaal kalluumeysi ayaa waxa saaraa 22 qof oo ku qoraa liistada rakaabka, balse waxa la sheegayaa in ay suurtogal tahay in aaney qaarkood raacinba doonta.
Ugu yaraan saddex qof ayaa badbaadey kadib markii ay muddo 10 saacadood ah ka lusheen dakhalka doonta oo sii degayay.
Ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in ay   44 doonyood ku jiraan hawgalka  gurmadka.
 
Doonta oo tankeedu ahaa  9.8  tonne oo lagu magacaabi jirey  Dolphine, waxa ay gaddoontey sabtidii  saacad badhkeed kadib zzmarkii ay ka gooshtey dekeda jasiirada Jeju.
 

Leave a Reply