Sacuudiga oo Hoos u dhigaya Miisaaniyadiisa Sanadkan

0
312

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa qorshaynayso inay yarayso qarashkeeda kadib markii ay hoos u dhacday sicirkii saliida shiidaalka ee ahayd waxyaabaha ugu wayn ee ay dhoofiso.
Wasiirka Maaliyada, Ibrahim Alassaf, ayaa sheegay in mashruucyo qaarkood oo la ansixiyay in hadda dib loo dhigi karo.
Ma uusan bixin faahfaahin laakiin, wuxuu sheegay in lacagta la dhimayo aysan saamaynayn adeega muhiimka sida caafimaadka iyo waxbarashada.
Dowladda Sacuudiga ayaa saadaalisay sanadkan ku dhawaad afartan bilyan oo dollar inay hoos u dhacday miisaaniyada sanadkan. Laakiin dadka ka faalooda Sacuudiga ayaa sheegaya inay lacagta intaas ay ka badan tahay.
 

Leave a Reply