Golaha Guurtidda Oo Guddi U Saaray Xeerka Duulista Oo La Horgeeyay

0
324

Hargeysa (Dawan): Golaha Guurtidda  ayaa  waxay ka doodeen xeerka duulista hawada, ee  xeer Lr.70, oo in mudo ahba golaha horyaalay. Sidoo kale shirgudoonka golaha ayaa waxay xeerkan u saareen guddi ka kooban 16 xubnood oo iskugu jira guddida shuruucda,  dhaqaalaha, la taliyaha shuruucda iyo xog-hayaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida.
Fadhigii shalay ee golaha guurtida  oo uu shirgudoominaayay gudoomiyahay golahaas Md. Saleebaan Maxamuud  Aadan, ayaa kadib dood ay ka yeesheen mudaneyaashu waxay la isla gartay in xeerkaasi loo saarro guddi soo naaqishta.
Maxamed Sh. Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Xeerkani waxa uu jidaynayaa sidii hab caalami ah loogu kala xadayn lahaa Hay’adda maamusha hawada iyo wasaaaradda duulista hawada. Markaa waxaan soo jeedinayaa oo in xeerkan loo saaro guddi ka soo talo bixisa kana soo baaraan degta.”
Gudoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal kooban u jeediyay guddida loo saaray xeerkaas ayaa ugu baaqay in ay sida ugu dhakhsaha badna uga soo baaraan degaan, isla markaana ay golaha dib ugu soo celiyaan.
Saleebaan Maxamuud Aadan, oo arrintaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxaan guddida xeerkaas ka soo talo bixinaysa ugu baaqayaa in ay sida ugu dhakhsaha badan uga soo baaraan degaan golahana dib ugu soo celiyaan. Guddidaa waxaan leeyahay habeen iyo maalinba shaqeeya oo xeerkaas si fiican u soo lafo gura.”
Xildhibaan Siciid Maxamed (Libaaxo), oo ka mid ahaa xildhibaanadii  ka hadlay fadhigaasi  ayaa   ku dooday  sidan  “Xeerkani waa mid muhiimad aad u wayn u leh qaranka. Markaa waxaan soo jeedinayaa in guddi loo saaro si ay uga soo baaraan degaan” ayuu yidhi xildhibaan Libaaxo. Xeerkan oo ay golaha Wakiilada u soo gudbisay xukumadu ayaa waxa soo darsay guddida arrimaha bulshada iyo diinta ee golaha wakiilada iyagoo soo raaciyay lifaaq ay kaga talo bixinayaan xeerkan iyo soo jeedintii gudda. Xeerkan ayaa golaha wakiiladu ansixiyeen markii ay guddidii loo saaray golaha dib ugu soo celiyeen.
Sidoo kale golaha guurtidda  ayaa iyagna  xeerkan u soo saareen guddi soo eegta kana soo baaraan degta. Xeerkani waxa ayaa uu si faah-faahsan uga hadlayaa maamulka hawada iyo madaarada Somaliland iyadoo loo samayn doono guddi madax bannaan oo ka shaqayn doonto arrimahaas, xeerkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 91 qodob.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply