Hargeysa (Dawan)- Guddida dib u habaynta shaqaalaha dawladda ayaa kulankoodii afraad shalay ku yeeshay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee magaalada Hargeysa.
Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdi Aw Daahir Cali iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Maxamed Mixile Boqore oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in kulankan dib u habaynta shaqaalaha dawladda ay ka soo qayb-galeen Wasiirro, agaasimayaal guud iyo maareeyeyaasha hay’adaha madaxa banaan.
Wasiir Cabdi Aw Daahir oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in kulankan ay isugu yimaadeen uu dabo socdo kulamadii hore ee lagu naaqishayay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa shaqaalaha dawladda, waxaana uu yidhi “Shirkan aanu qabanay waxa uu ka mid yahay shirarkii aanu ku samaynaynay dib u habaynta shaqaalaha dawladda, waxa aad iyo aad ugu mahadsan oo shirarkan abaabulay guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladda.
Haddii aanu nahay golaha Wasiirrada lix xubnood ayaanu nahay dusha ayaanu kala hagnaa hawsha, waxa aan doonaynaa in aanu shaqaalaheena ka dhigno kuwo tayo leh oo xuquuqdooda la siiyo. Maanta (shalay) waxa ka soo qayb-galay gudidii hagaysay shirkan waxa la soo bandhigayay xeerka shaqaalaha dawladda iyo qaabka darajooyinka loo siinayo.”
Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqore oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in shirkan dib loogu habaynayo shaqaalaha dawladu uu yahay mid joogta ah, waxaana uu yidhi “Waxa maanta aanu qabanay shirweynihii afraad ee aanu iskugu keeno Wasiirrada iyo agaasimeyaasha guud oo aanu doonaynay in aanu ka doodno sidii dib loogu habayn lahaa shaqaalaha dawladda, waa shir noo socda oo golaha wasiirrada lix ka midi ka soo qaybgaleen, waana shir joogta ah.”
Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office





















