Madaxweynaha Oo Kulan La Yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qarramadda Midoobay Iyo Danjire Ka Socday Dawladda Masar

0
335

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay ku xigeenka  wakiilka  Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Raisedon Zenenga oo shalay dalka booqasho ku yimi.
 
Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa kulankaasi ka dib faahfaahin ka bixiyay kulanka dhex-maray Madaxweynaha iyo ku xigeenka  wakiilka  Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland iyo Qaramad Midoobay.
 
“Waxaanu doonaynaa in (maanta) shalay aanu halkan ku soo dhaweyno ku xigeenka UN-ka Raisedon Zenenga, waxa Somaliland ugu dambaysay 1992-kii ilaa 1993-kii markuu UN-ku Xamar ka shaqayn jiray wakhtigii dagaalada oo horumar balaadhan buu ku arkay, waxaanu ka wada hadalnay sidii UN-ka iyo Somaliland cilaaqaadkooda u sii kobcin lahaayeen una balaadhin lahaayeen. Waxaanu ka wadahadalnay xaga dhaqaalaha iyo horumarka,” Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland.
 
 
Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu intaas raaciyay “Waxaanu ka wada hadalnay arrinkii ku lugta lahaa doorashooyinka oo imika dhaMmaaday, oo ku dhammaaday go’aankii Maxkamadda sare. Markaa intaas ayaanu  ka wadahadalnay iyo arrimo kale.”
 
Dhinaca kale ku xigeenka u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Raisedon Zenenga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Somaliland ku yimi, waxaanu tilmaamay in Somaliland horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay.
Geesta kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo)  ayaa  xafiiskiisa ku qaabiley  Safiir ku Xigeenka Masar u Fadhiya dalka aynu deriska nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Amb. Maxamed Al Amiir oo Maalmihii u dambeeyay hawlo shaqo u joogay Dalka Somaliland.
Kulankan oo ay ku wehelinayeen dhakhaatiir masaari ah oo ka kooban 15 xubnood oo muddo  ka waday hawlo shaqo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa madaxweynuhu ku qaabiley xafiiskiisa, waxaa uga waramay xaalada guud ee dalka iyo halkii ay ka soo bilaabeen  adeeggyadda caafimaadka ee ay  dalka u yimaadeen iyo halka uu hada marayo oo ah mid ALLE  loogu mahadiyo.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa sheegay in madaxweynuhu ka waramay  xidhiidhkii iyo iskaashigii ka dhaxeyn jiray Somaliland iyo Masar isla markaana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay inay iskaashi buuxa la yeelato dawladda Masar. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay sida shacbiga Somaliland uga faa’iidaysteen dhakhaatiirta reer Masar ee adeegyadda lacag la’aanta ah ka wada cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Safiir ku xigeenka Masar u qaabilsan Jabuuti Mr. Maxamed Al Amiir ayaa ka mahad celiyey sida sharafta iyo karaamada leh ee ay bulshada iyo xukuumada Somaliland-ba u qaabileen weftigooda, isaga oo ku dheeraaday inay ka masar ahaan ku dedaali doonaan xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo shacbigaba. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayay   Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye, Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis,  Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply