Qadar oo Ciidamo u Diraysa Yemen

0
536

Qadar ayaa xaqiijisay inay u dirtay kun  ciidankeeda inay ku biiraan isbahaysiga ay hogaaminayso Sacuudi Carabiya ee looga soo horjeedo mucaaradka Xuutiga ee Yemen.

Ciidamada ayaan wali soo galin Yemen, laakiin waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dagaalamaan. Dowladaha ka tirsan isbahaysiga oo ay ka mid yihiin  Sacuudiga iyo UAE ayaa u diray ciidamo dagaalama Yemen.

Isbahaysiga ayaa sidoo kale waxa ay kordhiyeen weerarka diyaaradaha ee magaalo madaxda Sanca, kadib markii ay Xuutiga dileen lixdan askari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here