Ninkan oo Turkiga u dhashay da’diisu waa 95 sano, waxase uu muuqdaa inuu yahay nin intaasi ka yar. Waraysi laga qaaday todobaadkan ayuu ku sheegay in sababta ay da’du weli uga muuqan la’dahay tahay isagoo isticmaala ciyaaraha Yogo, isla markaana waxa uu sheegay in aanu cunin hilibka.
Ninkan ayaa dhashay sanadkii 1920,baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyay ayaa cadeeyay in haddii aan xaalkiisu sidan uu yahay waxba iska bedelin uu noolaan karo ilaa 130 jirkiisa.
Ninkan oo lagu magacaabo Gorbos ayaa sheegay inuu tooso ka hor inta aanay cadceeddu soo bixin maalin kasta isla markaana uu daabasho, kaasi oo la sheegay inay tahay arinka u weyn ee ka danbeeya awoodiisa iyo da’ yaraanta ka muuqata. Cuntooyinka uu ninkani qaato ayaa ah Saytuun, Filfil cas iyo faasuliyaha, Shaah dhirta ah, Maraqa iyo xadi badan oo malab ah. Iyadoo la sheegay in hilibku yahay kan dhibta weyn u keena jidhka, isla markaana barootiinka laga heli karo dhirta. “Oddity Central” USA 05/09/2015.






















