“Waxay iila Muuqataa In La Siyaasadeeyay Haamaha Shiidaalka, Garsoorkuna….” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
383

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay muranka iyo khilaafka ka dhashay go’aankii Golaha Wakiilladu ku laalay wareejinta Haamaha kaydka Shidaalka ee Magaalada Barbara, waxaanu tallaabadaasi ku tilmaamay mid la siyaasadeeyay.
 
Garsoore Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu shirkan kaga waramay waxyaabaha u qabsoomay muddadii saddexda bilood ahayd ee uu hayay xilka xafiiska Maxkamada Sare iyo isku shaandhayntii ay dhawaan ku sameeyeen hay’addaha Garsoorka iyo cadaalada ee dalka.
 
Guddoomiyaha maxkamada sare waxa kale oo uu sheegay in ay dib u habeyn ku sameeyeen dacwadihii iyo kiisaskii hore ee muddada badan taagnaa isla markaana ay gudo galeen oo la dhaqaajiyey, taas oo ay sahashay ama ay ka caawisay garsoorayaasha badan ee la magacaabay, waxaanu tilmaamay inay dib u habeyn ku sameyn doonaan nidaamka Garsoorka Somaliland u shaqeeyo.
“Waxa jiray isbedal aanu ku samaynay garsoorka, isbedalkuna laba nooc ayuu ahaa, midi waxa uu ahaa shaqada in la dardar geliyo, oo dadka qaar inta  la dalacsiiyay ayaa gobollo kale loo bedalay. waxa kale oo bedalka ku hoos jiray meelaha muhiimka ah iyo gobolada dalka ee waaweyn dad markii hore ka shaqeynaayay gobollada ayaanu u soo bedalney, ka dib markii la qiimeeyay shaqadooda oo ay si fiican uga soo baxeen,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda sare.
 
“Waxaa kale oo iyaguna jiray ruqsayn iyo dad shaqada laga joojiyay, markaa iyagana dadkaa shaqada laga joojiyay waxaanu ku saleynay baadhis iyo dabogalka cabashada iyo go’aamada ay qaateen iyada oo la raacay nidaamka u yaalla ee la soo bandhigay oo gudida cadaaladu ay soo bandhigeen, markii dambe gudida cadaalada ayaa ka dooday arrintaasina waa arrin kale oo mihiima isbedelkaa maxkamada sare iyo ta dastuuriga ah marka laga yimaado maxkamadaha hoose oo kale waxa uu saameeyay lixda gobol ee waawayn ee dalka iyo gobollada yar yar  ee dalka, iyagana waa uu saameeyay, markaa macnaheedu waa lixdaa gobol ee waaweyn shan gobol oo ka mida gudoomiyihii maxakamda racfaanka iyo gudomiyihii maxkamada gobolka iyo gudoomiyihii maxkamada degmadu wey is bedeleen.”
 
Aadan Xaaji Cali, sidoo kale waxa uu ka hadlay muranka ka dhashay go’aankii golaha wakiillada Somaliland ka qaateen wareejinta Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara, waxaanu yidhi “Go’aanki ay isku celcelinayeen labada hay’adood ee fulinta iyo xeer dejinta, khaasatan xeer dejintu waa laba dhanbal, ka golaha wakiilada, laakiin golaha Guurtidu kuma jirayaan iyagu, annagu ma dalbano waxa na loo keenayo, wixii noo yimaada uun baanu eegnaa markaa war uma hayno, sidaanu fahansanahayna waxa isku celcelinaayay waa nidaamka ay u wada shaqeeyaan, markaa kaasina iyaga ayuu khuseeyaa, marka xeer hoosaadadooda iyo dastuurka loo noqdo waa ay xalin karaan, maxkamadana waxba loogama baahna, waxaana lagu xalin karaa wada hadal.”
Aadan Xaaji Cali waxa uu intaa raaciyay “Markaa aniga sida ay ilaa muuqto laba arrimood ayaa halkaas isku hoos jira, midi waa nidaamkii ay haayadahan kala madaxa banaan ee xeer dejinta, golaha Wakiilada iyo fulinta madaxweynuhu hogaaminaayo ay ku wada shaqeeyaan, ta kalena waa siyaasad oo siyaasadina kama madhna sida ay aniga iila muuqato, garsoorkuna siyaasad kama shaqeeyo, markaa annaguna ma dalbano, inkasta oo arrimaha qaranka ay garsoorku u madax banaan yihiin iyaga oo aanay cidina dalban markaa maxkamada sare, ta dastuuriga ah iyo ta fasiraada intuba haddii ay arrin qaran oo taagan arkaan oo intay iskood u fadhiistaan ay furdaamin karaan, markaa dad inta wax loo keeno uun suga garsoorku mahaa.”
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply