Ardaydu waxay Seexataa Fasalka Waxbarashada

0
417

Dalka Shiinaha magaalada Xi’an waxa ku yaalla dugsi hoose  oo lagu magacaabo Shanxi oo ay  wax ka bartaan arday aad u tiro badan. Ardaydan ayaa ka yimaadda degaanada dadka faqiirka ahi ay degan yihiin ee fog.
 
Dugsiga oo aad u yar ayaanay ardayda u suurtagelin inay helaan goobo ay ku nastaan, wax ku cunaan  ama ku ciyaaraan sidaasi darteedna  fasalka ayaa u noqday mid ay wax ku bartaan , marna wax ku cunaan marna ay ku seexdaan oo nasasho ay ka helaan.
Caruurta aya qaarkood shandooda ku qaataan barkimo iyo go’ yar oo ay huwadaan.
Arrintan ayaa lagu sheegay inay tahay jacaylka ay dadka Shiinuhu u qabaan waxbarashada inkasta oo ay jirto saboolnimo ka jirta deegaamo badan.

Leave a Reply