Culimadda Caafimaadka Oo Sheegay In Ay Khatar Ku Sugan Yihiin Dadkan Dayax Gacmeedyada Raacaa

0
439

Khubarada caafimaadka ayaa sheegay inay dadka inta badan raaca dayax gacmeedyada ee hawada sare ku maqnaada mudada dheeri ay khatar caafimaad ku sugan yihiin.
Khubaro ka socotay hay’adda hawada sare u qaabilsan wadanka Maraykanka ee NASA ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay in qofka oo muddo dheer jooga hawada sare ay  keento inuu difaaca jidhkiisu noqdo mid awood yar oo aan iska difaaci Karin xanuuno badan,madaama oo cufka jidhku u baahan yahay ee hawada sare yahay mid Eber ah.
Khubaradan ayaa sheegay in jidhku waayaayo waxyaalaha sameeya dhuuxa lafaha ,kuwaas oo u saamaha jidhka inuu helo difaac badan,sidoo kalena u gudbiya feedhaha oo aanay dadku ogayn kaalinta ay difaaca ku lee yihiin iyo laabta.
Khubaradan ayaa sheegay inay dhintaan meeshana ka baxaan qaybo kamid ah unugyada dhiiga ee cad cad iyo cas cas ,kuwaas oo ah kuwa difaaca jidhka ugu muhiimsan,waxaanay tilmaameen inay dilaan waxyaalaha yar yar ee ili ma qabatayga ah ,kuwaas oo Infection ahaan jidhka usoo gala.
Khubaradan ayaa sheegay in intii ay daraasadu socotay tijaabooyin laga qaaday ku dhowaad 23 cirbixiyeen oo muddo dheer joogay hawada sare,halka ilaa 16 kamid ahi ay hawada ku sugnaayeen muddo 6 bilood ah,shanta kalena ku sugnaayeen ilaa 100 cisho kuwa hadhayna ku sugnaayeen in ka yar laba bilood.
Khubaradan ayaa dhiigag tijaabo ah ka qaaday cirbixiyeenadan 180 cisho ka hor intii aanay hawada sare u bixin,iyada oo lagu amray in waqti la siiyey oo la cayimay ay dhiig iskaga qaadaan oo tijaabiyaan.
Waxaanay khubaradani cadeeyeen in qofka cir bixiyeenka ah ee hawada ku sugnaada muddo dhan lix bilood uu daciifaayo habdhiskiisa difaaca ee jidhku,marka loo eego qofka halkaas jooga muddo ka yar intaas,waxaanay cadeeyeen in muddo markii ay kasoo maqnaayeen hawada sare uu hab dhiska dhiigoodu caadi u shaqeeyey.
 
 
 
 

Leave a Reply