Dayaarad Dab ku Qabsadey Madaar ay ka Kacaysay

0
379

Diyaarad ay leedahay Shirkada British Airways ayaa dab xoogan ka kacay xili ay diyaaradaasi ka duuleysay Garoonka Diyaaradaha McCarran Airport ee kuyaala magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa ku soo jeeday Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska, waxaana mar qudha si deg deg ah diyaarada looga saaray rakaabkii saarnaa markii uu dabku bilowday.
Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ka kacay Diyaarada British Airways ku dhaawacmay 14-qof oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa, waxaana gudaha Diyaarada iyo garoonkii ay ka duulaysay ka dhacay aragagax iyo naxdin badan.
Dabka ayaa ka kacay sida Wararka lagu helayo qeyb kamid ah matoorka Diyaarada, dabka ayaana bilowday xili ay Diyaarada ku ordeysay dhabaha ay Diyaaraduhu ku ordaan marka ay hawada galayaan.

Leave a Reply