Hindiya: Macbadka Jiirka ee Yaabka Badan!

0
471

Iyada oo laga yaabo in dadka qaarkood ay ka baqdaan jiirka marka ay guryahooda ku arkaan, haddana dadka Hunduuska ahi waxay leeyihiin Macbad jiirka ah lagu xanaaneeyo.
 
Macbadka Karani Mata Wuxu ku yaalla meel dhinaca koonfurt 30 km uga jirta magaalada Dashnuk ee dalka Hindiya, waana macbadka  ay leeyihiin dadka Hunduuska ahi.
Waxa lagu xanaaneeya laguna quudiyaa 20 kun  oo Jiir , iyago halkaasi lagu ilaaliyo caafimaadkooda, raashinkooda iyo raaxadooda.
 
Raashinka waxa lagu wada siiyaa weel keliya. Macbadkan wuxu ku dhisan yahay dalka Hindiya oo ah dalka cajaa’ibaadka iyo yaabka.
Markaad dhinaca debeda ka eegto camuudda iyo dhagaxa casaanka ah ee uu ka samaysan yahay macbadka Karani Mata ee dabaqa ahi waxba kama duwana macbadada kale ee ka dhisan dalkaasi.
 
Sirta iyo Sababta Macbadakan Jiirka loogu xanaaneeyo looguna daryeelo ayaa ah iyagoo dadka Hunduuska ahi ay aaminsan yihiin in Jiirka ay soo gasho ruuxda caruurtooda dhimatay, sidaas darteedna Jiirka Macbadka jooga waxay ugu yeedhaan “Al-Kamba” oo ah caruur. Waxaana la siiyaa raashinka midhaha , caanaha, iyo cuntooyin nafaqo leh kuwaasi oo dadka qaarkooda Jiirka la cunaan raashinkaasi iyagoo aaminsan inay yihiin caruurtoodii. Waxa kale oo laga ilaaliyaa shimbiraha ugaadhsada Jirka iyagoo Macbadka xagiisa sare lagu  xidhay silig aanay ka soo gudbi Karin.  Macbadkan ayay sanad kasta booqdaan kumanaan dad ah oo halkaasi soo daawada. Dumarka ayaan gudaha gelin iyagoo ka baqanaya Jiirka dhinac kasta u ordaya oo mararka qaarkood lugahooda ka hoos dusaya.

Leave a Reply