Khubarro Ingiriis Ah Oo Sheegay In Deganaanta Nafta In La Iibsan Karo

0
385

Khubaro u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in deganaanta noloshu waqtigan noqotay mid la iibsan karo,iyaga oo taasi ku sababeeyey daraasad ay muddo wadeen oo ay ku qiyaasayeen dadka nolosha wanaagsan ku nool iyo dadka fuqurada ah.
Natiijadii kasoo baxday daraasadan ayaa noqotay mid tilmaamaysa in dadka lacagta lihi ay sannadihii ugu dambeeyey ahaayeen kuwo ka deganaansho badan dadka fuqurada ah ,marka loo eego sannadihii hore.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro kamid ah Maxadka Qaranka ee Samaynta Cilmibaadhisaha ayaa sheegay in ay ogaadeen intii ay daraasadan ku jireen in markasta oo lacagta qofka baanka ugu jirtaa ay korodho ay sidoo kalena sii korodho deganaanshihiisu.
Khubaradan ayaa sheegay in lacagtu noqotay waxa qofka siiya kalsoonida,sidoo kale qanciya,iyada oo ay hadba ku xidhan tahay xadiga ay taagan tahay.
Khubaradan ayaa sheegay in sannado ka hor ay lacagtu ahayd mid dadka ku keeni jirtay deganaansho la’aan ,iyada oo ay dadka qaarkood is dili jireen,laakiin waqtigan dadku ay deganaansho dareemaan markasta oo ay lacag helaan.
 

Leave a Reply