Norway oo Shaacisay Somali ka Qeyb Galay Weerarkii Westgate

0
491

Booliska dalka Norway ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow oo ah Soomaali haysta dhalashada dalka Norway uu qayb ka ahaa weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday suuqa weyn ee Westgate Mall ee ku yaala Nayrobi, sanadkii 2013.
Boolisku waxaa ay sheegeen in natiijadani ay ka dhalatay baadhitaan ay sameeyeen oo la xidhiidha weerarkii Westigate Mall. Baadhitaankan ayaa qaatay muddo labo sanadood ah iyadoo weerarkaasina ay ku dhinteen dad gaadhaya 65 qof, tira kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.
Booliska Norway oo aan la xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyay in baadhistaasi ay soo dhammaatay. Afhayeen u hadlay booliska  dalkaasi oo lagu magacaabo  Bernsen ayaa u sheegay wargayska Aftenposten ee dalkaasi kasoo baxa in Xasan Dhuxulow uu kamid ahaa raggii argagixisada ahaa ee weerarka gaystay, islamarkaana lasoo gunaanaday baadhistaasi.
Xasan Dhuxulow oo weerarkaasi ku dhintay waxaa da’diisu ay aheyd 23-sano jir, waxa uu ku dhashay dalka Soomaaliya, hase yeeshee isaga iyo qoyskiisa ayaa dalka Norway ku yimid qaxooti ahaan sanadkii 1999.
Waxaa jirtay in boolisku ay ka shakiyeen ninkaasi laakiin ma jirin cadaymo loo hayay oo xiligaasi lagu xidhi karay, ha yeeshee hadda ayay u cadaatay in uu ahaa nin argagaixiso ah kadib baadhitaan lagu sameeyay maydkiisii.
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Xasan Dhuxulow uu ka gudbay xuduudka Kenya isagoo tagay Soomaaliya weerarka ka hor. Waxaa la rumaysan yahay in uu ka shaqeeyay isku-xidhka unugyo argagixiso oo ka jiray Soomaaliya iyo Kenya weerarka ka hor.
 

Leave a Reply