Shimbiro Maalqabeeno Noqday

0
288

Leslie Mandel oo ahayd maalqabeen ku nool magalaada Newyork ee dalka Maraykanka, ayaa dhimatay iyadoo da’deedu tahay 69 sano. Gabadhan ayaa ka dhimatay hanti 100 milyan oo doller, waxayna lacagtaasi u dardaarantay shimbiro ay lahayd si ay u helaan daryeel buuxa oo joogto ah inta ay nool yihiin.
Waxa kale oo ka lahayd guri lagu qiyaasay 40 malyuun oo doller.  Gabadha Leslie Waxa kale oo Eygeeda oo lagu magacaabo Kiki u dardaarantay 12 malyuun doller. Hawlahan ayay u xil saartay wiil uu dhalay ninka qabay, kaasi oo si buuxda xoolaheeda ugu xanaanaynaya Shimbiraha iyo Eygeeda inta ay nool yihiin. Leslie Mandel maaha gabadhii u horaysay ee xayawaan u dardaaranta dhaxalkeeda, iyadoo nin ku lahaa Huteel weyn oo 12 malyuun magaaladan uu dhaxal ahaan uga tegay xayawaanka dadka la nool in lagu xanaaneeyo.

Leave a Reply