Ma Yahay Badbaado Xawaaraha Gaadiidka Gurmadku?

0
283

Dalka Saldanada Cumaan baabuur kuwa gargaarka degdeg ah ayay isku dheceen gaadhi weyn oo xamuul ah.
Baaburka Ampluska ah ayaa wakhtigaasi siday nin xanuunsanayay wuxuuna ku socday xawaare aad u sareeya, taasi oo keentay shilkaasi sida ay sheegeen goob joogayaal. Shilkan waxa ku dhintay wadihii gaadhiga iyo gabadhii kalkaaliyaha caafimaad ahayd iyo weliba qof la socday ninka bukay, waxaana ka badbaaday shilkaasi  qofkii bukay ee Isbitaalka ay ku soo wadeen oo keliya. Waxaa muhiim ah in dadkaa gaadiidkaasi wadaa ay ogaadaan in marka ay degdegayaan ay sii dhex socdaan boqolaal qof oo kale oo ka badan kan keliya ee ay doonayaan inay badbaadiyaan. Xawaaraha xad dhaafka ahina maaha badbaadin ee waa halis kale.

Leave a Reply