Kaneecada ayaa la xaqiijiyay inay leedahay saddex wadane oo u wada sheqeeya si aad u yaab badan. Waxay soo nuugaan dhiiga ka dibna u qaybiyaan qaybaha kale ee jidhka. Waxaana culimada wareer ku riday sida ay sheqeeyaan oo mid caadi ah oo sax ah.
Dr.Julian Hillyer oo adeegsanayay weynayso ayaa sharaxa ka bixiyay qaabka uu sheqeeyo wadnaha kaneecadu iyo weliba unguyada dhiigga ee Kaneecada, waxaana ay noqotay mid ilaa wakhtigan amankaag ku riday culimada.
Kaneecada ayaa ka hor inta aanay qaniin qofka baadha dhiigiisa, haddii uu noqdo mid munaasab u ah way nuugtaa haddii kalena waxay wareegtaa qof kale. Waxaana aad loola yaabahan yahay sida kaneecadu baadhitaanka dhiigga u samayso. Arinka kale ee isna mucjisada ah aya noqday cayayaan yar oo ili ma aragtay ah kaasi ( Mite) oo isna ku dul nool Kaneecada dhiigana ka nuuga. Cayayaankan yar oo aanay ishu qaban ayaa nool cayayaanada kale dushooda gaar ahaana kaneecada, halkaasi oo uu quudkiisa ka helo.