Qaybtii Saddexaad
6:Central African Republic:wadanka Lixaad ayaa ah wadanka Badhtamaah Afrika,kaas oo ah wadan leh kayd badan oo dahab ah ,sida Dahabka,Dheeman iyo macdanta loo yaqaano Uranium iyo sidoo kale saliid ceedhin.
dheemanta kaydka ah ee wadankaas ayaa ah mid gaadhaysa dhanka dhoofka wadankaasi 55%,taas oo wadanka dibada looga saaraayo.
hay’adda UNDP ayaa sannadkii 2010 soo saaray liis ay wadamada horumarka dadka iyo wadamada ah,taas oo ay hay’addaasi xaga hoose kaga dartay wadamada nolol ahaan aadka u liita.
dadka wadankan ayaa maalintii ku nool qiime ka yar $1 dollar,maalintii ,iyada oo hay’addaasi sheegtay inay hoos u dhac la kulmi karaan dadka wadankaasi 62% dadka wadanka ah sannadka soo socda oo ku beegnaa sannadkii 2011.
wadankan ayaa la sheegay in qiimaha dhaqaalihiisu gaadhaayo $827.93,taas oo ah mid aad uga hooseysa qiimaha lagu qiyaaso dhaqaalaha caalamka ,gaar ahaana wadamada soo koraaya ee dhaqaalohoodu soo korayaan.
7:Niger :wadanka Toddobaad ayaa ah wadanka Niger ,kaas oo isna ah wadan 80% saxare ah ,waxa kale oo jirta haysatana dhibaato dhanka siyaasada ah,kaas oo aan deganayn iyo sinaan bulshada ah.
sannadkii 2000 ayaa dawlad cusub oo dimuqraadi ah loo doortay ,taas oo iyada oo isla sannadkaasi ay hay’adda lacagta adduunka ee International Monetary Fund ,taas oo lacago la amaahiyey waqtina loo qabtay.
sannadkaasi ayaa ahaa sannad ay madhnayd khasnada dalkaasi Niger oo ahayd mid faaruq ah,waxaanu gaadhey heerkeeda dhaqaale $853.43,kaas oo hoos uun usii dhacaaya.
8:Malawi:wadanka Malaawi ayaa noqday wadanka kaalinta sideedaad ka galay wadamada dhaqaale ahaan dhulka galay ee loo yaqaano wadamada faqiirka ah ee qaarada Afrika.
sannadkii 2004 wadankaasi waxa uu ka hooseeyey heerka faqiirnimada 54% oo dadkiisa ah ,kaas oo dadkiisu ku nool yihiin wax ka yar $1 dollar.
sannadkii 2000 kii waxa dalkaasi loo diiday in la amaahiyo lacago ay ka doonayeen hay’adda IMF iyo sidoo kalena wadamada deeq bixiyeyaasha ee lacagaha laga amaahdo oo gebi ahaanba kasoo horjeestay lacagahaasi ay dawladu doonaysay .
wadamada Malawi iyo Niger waxay sannadkaasi guddoomeen deeqo loogu talo galay in kor loogu soo qaado dhinacyada Beeraha iyo Dhaqaalaha dhismohooda ah,taas oo si toosa loola maamulaayey dhaqaalahaasi 35% ,halka inta kalena ay ahayd 46% oo hay’addo maamulayeen.
dhanka kalena maalgashiga ayaa hoos u dhacay sannadkii 2009 kii,taas oo hoos u dhacaasi gaadhey 23%.
dhaqaalaha wadankaasi ayaa gaadha lacag lagu qiyaasay ilaa $893.84,taas oo sannad walba hoos u dhac ku yimaado,mana jirto wax kor u kaca oo ku yimid dhaqaalaha wadankaasi wixii ka dambeeyey sannadkaasi 2009.
Lasoco……………………………