Mr.Yuan “Dhakhtar Kasta waan Tegay , Welina Ma Bogsan”

0
369

Ninka u dhashay China laguna magacaabo Yuan Taiping oo degen magaalada Chongqing oo ku taalla koonfur galbeed China da’diisu tahay 30 jir ayuu muuqaalka jidhkiisu lama mid noqday sida 80 jir. Ninkan Waxa asiibay xanuun aan la aqoonsan oo jidhkiisa da’da ku soo dedejiyay.  Waxaana uu tegay dhowr Isbitaal oo halkaasi ku yaalla, laakiin ilaa hadda waxba lagama qaban.
Yuan waa maamule shirkad dhismaha , waxaana u ahaa qof caadi tan iyo markii uu soo gaadhay 20 jirka, mudadaasi wixii ka danbeeyay waxa is bedelayay wejigiisa iyo jidhkiisa kale. Yuan markiiba waxa ku bilowday werwer ka dibna wuxu goostay inuu Isbitalaada la xidhiidho, nasiib daro ilaa hadda waxba ugamay qaban xanuunkiisa.

Leave a Reply