Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Bilowga Mashruuc Weyn Oo Dadweynuhu U Jeellanaayeen Oo Lagu Balaadhinayo Biyaha Caasimadda Hargeysa

0
367

 “Dawladdaydu  Waxay Isku Hawshay Sidii Dalkani u Heli Lahaa Biyo, Guud Ahaan, Gaar Ahaanna Caasimadda, Si Looga Baxo Dhibaatadda Biyaha”

 

 “Hargeysa Hadda Waxa Soo Gaadhaan 9 Million Oo Litir Maalintii, Dhamaadka Mashruucan Waxaa Soo Gaadhaya 20 Million Oo Litir”

Bilowga Dhuumaha  Cusub Ee Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa

By: Cumar M.Faarax

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay  ku dhawaaqay bilowga  Dhuumaha cusub ee mashruuca biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa oo laga Maal-gelinayo sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaasi oo la filayo marka uu dhammaado inay Magaaladda Hargeysi ka bixi doonto biyo yaraantii haysatay.

 

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan Wasiirro, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda, Maayarka Iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah, ayaa booqday  xarunta kaydka biyo soo saarka ee Geedeeble oo ay yaallaan dhuumaha cusub ee lagu kordhinayo nidaamka biyaha caasimadda,  intaas ka dibna waxa Madaxweynaha iyo masuuliyiintaasi ay ka qeyb-galeen xaflad lagu shaacinayay bilowga mashruucan oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Mashruucani marka uu dhammaado waxa la odorasayaa inay magaaladda Hargeysa soo gaadhi doonaan labaatan milyan oo Mitiri Kuyuubig oo biyo ah maalintiiba  oo noqonaysa laba jibaar biyihii markii hore ay heli jirtay caasimaddu.

 

 

 

Madaxweynaha oo kormeerka ka dib ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu daahfuray mashruuca biyo baladhinta Caasimada oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimadda mashruucani u leeyahay bulshadda ku dhaqan Hargeysa. Khudbadii Madaxweynuhuna waxay u dhignayd sidan:-  “Mudaneyaal iyo Marwooyin, Salaan qiimo badan ka dib, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dadkii iyo Dawladihii gacanta ka geystay mashruucan, oo ay ugu horrayso Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.

 

Dawladdaydu, waxay isku hawshay sidii Dalkani u heli lahaa biyo, Dalka guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda oo in muddo ahba uu ka socday mashruuca biyo balaadhinta ee aynu maanta joogno. Waxaa ku baxaya mashruuca biyaha ee Hargeysa xaddi lacageed oo gaadhaysa Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000).

 

Waxaa kale oo jira mashruuca Xumba-weyne oo isagana ay maalgelisay Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, kaasoo isna hawshiisii gacanta lagu hayo, waxaan rajaynayaa marka mashaariicdani dhammaado, in dhibaatadii ka taagnayd biyaha Caasimadda Hargeysa laga bogsan doono.

 Walaalayaal, biyuhu waa noloshii, waxaanay leedahay muhiimad iyo mudnaan, annagoo taa tixgelinayna, waxaanu isku daynay, tallaabo kasta oo dhibtan lagaga bixi karo, iyo cid kasta oo naga caawin karta in aanu la kaashanno, waxaana Illaahay mahadii noo suurto-galay hawsha ballaadhan ee aad indhihiina ku aragtaan wakhti dhawna laga cabi doono Haddii Illaahay ka dhigo.”

 

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhibaatada ka taagan biyaha Hargeysa waxa kow ka ah beebabka biyaha keena oo aad u yar yar oo China dhigay,  ceelasha Geedeeble ka qodnaana waxa ay ahaayeen 14 ceel.

 Nasiib darro 9 ceel ayaa innoo shaqayn jiray, markaa hal beeb oo weyn oo noocii casriga ahaa  ee adduunka ugu dambeeyay ayaa la soo dhigayaa afar ceel oo cusubna Horo-haadley ayaa laga qodayaa.

Ceelashaa cusubna Geedeeble ayaa lagu soo xidhayaa 18 kaa ceel oo la isku geeyay ayaa beebkaasi soo qaadayaa kuwii horena sidoodii ayay innoogu shaqaynayeen.Biyaha imika Hargeysa yimaadaa waa 9 milyan  illaa toban milyan oo litir maalintii. mashruucan marka uu dhammaado waxa aan rajaynaynaa in Hargeysa soo gaadhaan 20 milyan oo mitir kuyuubik waxaanay biyuhu u kordhayaan   laba  jibaar.”

 

 

Geesta kalena,Masuuliyiinta sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray mashruucan biyo balaadhinta ee lagu dhawaaqay, waxaanay tafaasiil kaga bixiyeen noocyadda mashruucan biyo balaadhintu ka kooban yahay, waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Dawladda Somaliland, Ururka Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxay halkan ku dhagax-dhigayaan maanta (shalay)  bilowga dhigista dhuumaha (beebka) cusub ee mashruuca biyo baalladhinta Caasimadda Hargeysa oo dhan 23KM oo ka soo bilaabmaya Geed-Deeble. Iyadoo dhammaadka mashruucan la rajaynayo inay kordhi doonaan biyaha caasimadda Hargeysa, korna u qaadi doonta helitaanka biyaha iyo in si siman loo helo nidaamka qaybintooda.

Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa waxa si wadajir ah u maalgalinaya Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo siday u kala horreeyaan u bixiyey lacag dhan 15 milyan Uuro iyo $8.6 dollar. Waxaanna fulinaya hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Wasaradda Biyaha.

Mashruucu waxa uu ka kooban yahay:-

1.    Qaybta dhigida beebka cusub oo ah 600mm lagana  soo qaadayo geed –deeble illaa barkada kaydka ee Hargeysa oo dhererkeedu noqonayo 23 Km

2.    Dhisida Barkada kaydka iyo kaamka weyn ee laga hirgalinayo geed-deeble

3.    Qodidia Afar ceel biyood oo dhaadheer oo hoos loo qodayo 180m lagana qodoyo Degaanada ku xeeran Daarasalaam sida hora-haadley

4.       Dhigida dhuumaha cusub oo isku xidhi doona Ceelasha Cusub ee Daarasalaam iyo Agaagaarkeeda laga hirgalinayo iyo Geed-deeble.

Dhuumahan cusub ee lagu beddelayo beebkii hore oo jiray 40 sannadood, waa kuwa  leh tayo aad u sarraysa, taas oo kor u qaadi doonta biyo-soo-saarka. Dhuumaha cusub ee biyaha oo lagu daro kaamka biyo-soo-tuurka cusub ee Geed-deeble oo la dhisayo 12-ka bilood ee soo socda,

Ujeeddada guud ee Mashruucani waxa weeye sidii loo horumarinta lahaa helitaanka biyo nadiifa oo qiimo jaban ah oo ay ku noolaadaan dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaaladda Hargeysa, iyadoo la ballaadhinayo biyaha la cabbo ee ilaha hore u jiray iyo fursadaha shaqo abuurka. Helitaanka biyo loo qaybiyo oo ku filan bulshadu waa aasaaska mudnaanta leh, si loo abuuro fursado kor loogu qaadayo dhaqaalaha bulshada guud ahaan iyo gaar ahaan ta shakhsi.”

Micheal Bosten oo ah  madaxa xafiiska Denmark u qaabilsan mucaawinooyinka, ayaa sheegay in mashruucani yahay kii ugu balaadhnaa ee ay taageeraan . “Mashruucani   waa mashruucii ugu balaadhnaa ee aanu ku taageerno 10 milyan iyo badh doolar. Waxa aanu riixnay sidoo kale in la dedajiyo, sidaa darteed waa loo hirgalin karaa sida ugu dhakhsaha badan kani waa mashruuc balaadhan waxaana uu qaadan doonaa wakhti  hay’ado badanina way ka qayb-qaadan doonaan biyo balaadhintan Hargeysa  oo mudooyin badan soo socotay ayaa si magaalada Hargeysa loo soo gaadhsiiyo biyaha deegaanada ay beebabku soo marayaan laga raray qoysas kala duwan,”ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Madaxa taageerada dhaqaalaha ee Midowga Yurub Elizabeth kar ayaa sheegtay in Somaliland ka hirgalinayaan mashaariic ay ku baxayso adduun gaadhaya     100 milyan oo Yuuro.

 

Leave a Reply