Afartan Mas Oo Sun Leh Ayay Ku Tuureen Xafiiska Shaqada

0
306

Dadka ayaa ku kala duwan qaababka loo sameeyo mudaharaadka marka cabasho jirto, qaarkooda wax kasta way burburiyaan iyagoo cabashadooda ay ka weyn tahay  fal celintooda ayna geystaan dhibaato ballaadhan oo saamaysa bulshada oo dhan.
 
Dalka Hindiya degmada lagu magacaabo Narharpur village ayuu xaakinka magalaadaasi dadka ka codsaday inay soo bixyaan cashuurta beerahooda. Shaqaalihii cashuurta soo ayaa dadkii degmada iska hor taagay inay beerahooda ka sheqeeyaan muddo  todobaad ah, waxaana ay ka dalbadeen inay laaluush bixiyaan si ay ugu ogolaadaan inay beerahooda ka shaqaystaan.
Dadka tuuladan degan oo qaarkood ahaayeen kuwo ka shaqaysta Masaska waaweyn ee suntan leh (Camerody)  , ayaa soo abaabulay mudaharaad ka dhan ah shaqaalahaasi, iyago 40 Mas oo waaweyn oo ay ku jiraan 4 Cobra, ay ku sii daayeen xafiiska shaqaalahaasi joogeen.
 
Shaqaalaha oo aan hore u arag ayaa aad u  naxay oo meel keliya isugu ururay. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arinkan kaga hor tegayaan laaluushka xun ee ay ka dooneen kooxda shaqaalaha ah.  Gudoomiyaha deegaanka ayaa arinka ogaaday iyo sababta keentay. Waxaana ay dadku u sheegeen gudoomiyaha inay sidaasi u yeeleen sidii ay u muujin lahaayeen cabashadooda shaqaalaha laaluushka doonaya.

Leave a Reply