Baadhitaan lagu Samaynayo Shirkada Volkswagen

0
358

Sharikadda Jarmalka ee sameysa baabuurta ee Volkswagen, waxay sheegtay inay toddoba bilyan oo dollar meel u dhigtay si loogu bixiyo kharashka, kaddib markii ay qiratay inay khiyaamo ka sameysay tijaabooyin laga qaaday qiiqa ay baabuurta hawada ku sii daayaan xaruntooda waddanka Maraykanka.
Volkswagen waxay wajahaysaa ciqaabo adag Maraykanka gudihiisa inay been abuureen macluumaad.
Wasiirka maaliyadda ee waddanka Faransiiska, Michel Sapin, ayaa ku baaqay in baadhitaan ballaadhan oo Yurub oo dhan ah lagu sameeyo qiiqa baabuurtu sii deyso. Kuuriyada Koofureed waxay sheegtay inay baadhitaan u gaar ah ku bilaabeyso baabuurta Volkswagen.

Leave a Reply