Baaqa Yaraynta lacagta lagu Kabo Shidaalka

0
576

Waxaa jira baaq cusub oo loogu baaqayo waddamada inay yareeyaan lacagta ay ku kabaan shidaalka.
Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarka ee OECD, ayaa sheegay sicirka shidaalka ee hoos u dhacay dhawaan inuu sahlay in la yareeyo lacagta ay waddamada ku kabaan shidaalka.
Laakiin waxay sheegeen in wali la dhimi karo ilaa laba boqol oo bilyan oo dollar sanadkii.
OECD ayaa sheegtay yaraynta lacagta lagu kabo batroolka, dhuxusha iyo gaaska inuu caawin doono misaaniyada waddanka, inay yarayn doonto wasaqda hawada galaysa, ayna caawinayso isticmaalka tamar nadiif ah.
Hindiya iyo Mexico ayaa ka mid ah waddamada dhawaan yareeyay lacagta lagu kabo shidaalka.

Leave a Reply