Basaaskii Caanka ka Noqday Masar Iyo Israa’iil

0
743

Rufacat Jamaal wuxu ku dhashay  horaantii bishii June sanadkii 1927 magaalada Danda Masar, waxaana uu ahaa wiilka ugu yare ee caruurta Xaaji Cali Sulaymaan oo ka ganacsan jiray Dhuxusha, waxaana uu walaalo la aha Labiib iyo Nasiiha oo isku bah ahaayeen iyo Saami oo ay kala bah ahaayeen.
Hooyadii waxay ka soo jeeday qoys adag waxayna ku hadli jirtay luqadaha Faransiiska iyo Ingiriisida. Aabihii wuxu dhintay isagoo 9 jir ah sanadkii 1936, labada caruur ee isku bahda ahaayeen ee Labiib wuxu  jiray 13 sano, Nasiiha waxay ahayd 11 sano, laakiin wiilka Saami wuxu ahaa 23 sano. Qoysku wakhtigaasi may haysan meel ay kala soo baxaan noloshooda, sidaas darteed adeeradood iyo edooyinkood ayaa soo jeediyay  in labada wiil (Labiib iyo Rufcat)  ah lagu daro xarun nijaarada lagu barto oo ku taalay magaalada Dimyaad, iyadoo magaladaasi caan ku ahayd welina caan ku ah samaynta qoryaha.
Fikradaasi waxa diiday walaalkooda weyn ee Saami oo soo jeediyay inay caruurta iyo hooyadood ay usoo guuraan Qaahira si ay waxbarashadooda usii wataan, isagoo sheegay inuu isagu mushaharkiisa kuwada noolaan doonaan. Wuxu ahaa macalin dhiga luqada Englishta wakhtigaasi.  Markii ay Qaahira usoo guureeen Nasiiha waxa lagu daray dugsiga habalaha ee sare , Labiibna dugsi ganacsi oo dhexe , halka wiilka yare ee Rufcat lagu daray dugsi hoose ka dibna mid dhexe isagoo wakhtigaasi ku hadli jiray luqadaha Ingriisida iyo Faransiiska.  Laakiin Rufcat wuxu ah mid ka duwan walaalkii Saami, wuxu jeclaa Tiyaatarka iyo Filimada waxaana uu awooday inuu ku qanciyo Jilaagii weyn ee Bishaar hiwaayadiisa isagoo markii danbe la metaly saddex filim.
Sanadkii 1943 Inantooda Nasiiha waxa guursaday Kornayl Sare Axmed Shafiiq. Rufcat wuxu u fadhiistay imtixaankii isagoo mar hore dhacay ayuu haddana mar kale dhacay. Laakiin sanadkii ku xigay ayuu  gudbay, waxaana uu ka baxay sanadkii1946. Wakhtigaasi  wuxu ku biiray  barashada Filimada. Muddo markii uu ku ijray wuxu jeclaystay inuu hawshaasi ka wareego, waxaanu dalab shaqo u gudbiyay shirkada Petroolka ah oo badda cas ka shaqaynaysay  jagada xisabiyaha oo ka banaanayd.  Shirkada ayaa maarkii imtixaanka ay qaaday isaga qaadatay  iyadoo ay jireen qaar badan oo ka sareeyay imtixaanka laakiin haddana waxay doorbideen luqadaha uu yaqaanaya ee Faransiiska iyo Englishta sida ay sheegeen.
Wakhtigaasina wuxu u guuray Ra’si Qarib oo uu ku sugnaa muddo 15 bilood ah oo tababar lagu siinayay hawlaha petroolka iyo xidhiidhka ka dhaxaynaya Injineerada. Mudadii uu halkaasi ku suganaa ayay hooyadii dhimatay.
Sanadkii 1947 ayay shirkadu goosatay inay xarunteeda usoo wareejiso magaaalada Qaahira, isagu  muu jeclaysan arinkaasi waayo muu rabin inuu ku soo dhowaado walaashii Nasiiha iyo caruuteeda mana rabin inuu arko waayo waxa xumaaday xidhiidhkoodu.
Rufcat ayaa markaasi u wareegay shirkad Kimiko ah oo ku taallay Alexndariya, maamulaha ayaa ula dhaqmi jiray sida wiil yar oo uu dhalay waxayna ahayd wixii uu tebayay Rufcat. Sanadkii 1949 ayuu ka codsaday inuu socdaal ku tago Qaahira laakiin uu soo nqodo , markii uu soo noqday shaqadiisa si fiican ulama wareegin iyadoon aan lagu wareejin muftaaxyadii sababo shaki ah oo soo baxay .
Rufcat ayaa shaqadaasi iskaga tegay waxaana uu uu shaqo ka helay Markabka Huris oo uu ka noqday kaaliye xisaabiye. Laba todobaad ka dib waxa uu safar ugu baxay debeda iyadoo ay ahayd markii ugu horaysay ee weligii ka tago Masar.  Markabkan aya isaga gudbay dekedaha Napoli, Barcelona, Jabuli Dariq, Danja ilaa uu ugu danbaystii gaadhay dekedda Ingiriiska ee Liverpool.  Dekedaasi ayaa markabka hawl farsamo lagaga qabanayay ka dibna wuxu safar kale oo dheer ugu baxay ilaa magaalada Bombay ee dalka Hindiya oo aad uga fog Ingiriiska.
La soco qaybo kale…
 

Leave a Reply