Booliska Oo Xoojiyay Amaanka Suuqyadda Hargeysa iyo Taliye Fadal Oo Ka Hadlay

0
299

Hargeysa(DAWAN): Taliyaha  ciidamadda  booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay  kormeer ku soo maray suuqyadda  waa weyn ee Caasimadda Hargeysa, maadaama oo ay sida caadiga ah sax-madda suuqyadu kor u kacdo maalmaha ay ciiduhu soo dhawaadaan.

 

Waxaanu taliyuhu   u kuur-galay   sida ay  boolisku uga hawl gelayaan,  ee ay uga hor tegayaaan Tuugta  ku soo dhex dhuunta  dadka suuqyadda ka dukaamaysanaya  iyo waxyaabaha kale ee nabadegliyadda wax u dhimmi kara.

 

  Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal, ayaa  kormeerkiisan waxa uu  ku soo maray suuqyadda Waaheen iyo Gobanimo ee Caasimadda  Hargeysa  oo ay ka hawl gelayeen Ciidammo boolis ah oo ammaanka ilaalinayay isla markaana waalidiinta carruurta wadata ee suuqyada wax ka   iibsanaya   ka ilaalinayay in ay cidhiidhiga suuqa ugu soo dhex dhuuntaan Tuugtu oo ay  baadhasho u geystaan.

 

 

 

Waxaanu taliyuhu   ku adkeeyay in ay si dhaw ula socdaan wax kasta oo dadka iyo dawladaba dhibaato u keeni karaa in ay saxmadda iyo buuqa suuqyadda ku soo dhex-dhuuntaan, isla markaana ay isha ku hayaan  hannaanka isu socodka gaadiidka  oo aanay sababin in ay waddooyinka cidhiidhiga ah xawaare sare  ku maraan, iyadoo   ay  ka dhalan karto in ay dadka shilal soo gaadhsiiyaan.

 

 

 

Taliyaha booliska ayaa intii uu ku guddo jiray kormeerka uu ku marayay  suuqyadda sida weyn looga dukaamaysto ee Caasimadda Hargeysa,  ayaa ciidamadda  suuqyadaasi  ka hawl galayay  waxay ka dhegaysteen  warbixino la xidhiidha   in ay si naxariisleh oo dabacsan   dadka ugu adeegaan oo waalidka jilicsan ee cidhiidhiga suuqa awoodi waaya  in uu caruurta la dhex galo   in ay gacan siiyaan.

 

Sidoo kalena   qofka xanuun ku soo boodo ee degdeg gurmad caafimaad ugu baahda in ay gacan siiyaan  nabad gelyadana ilaaliyaan.

 

 

 

Dhinaca kale bulshadda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee ka  markii uu taliyuhu kormeerka ku marayay  suuqyadaasi ka dukaamaysanayay  ayaa soo dhaweeyay, kuna farxay  markii ay arkeen taliyihii Booliska oo   ammaankooda kormeeraya oo dhex  lugaynaya suuqa.

Faysal Xiis Weerar(Afgaab)

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply