Digniinta UNHCR ee Qorshaha Qaxootiga

0
306

Hay’adaha qaxootiga ee ka shaqeynaya xadka u dhexeeya dalalka Croatia iyo Serbia, waxay sheegeen inay jirto cabsi ah in Midowga Yurub ay beddelaan siyaasadahooda ku saabsan dadka soo galowga ah taas oo walaac aad u badan ku abuureysa dadkaas, keentayna inay boliiska iskudhacaan.
Afhayeen u hadlay UNHCR waxaa uu sheegay in dadka megangelyo doonka ah ay ka welwelsan yihiin inaysan u suurta geli doonin inay sii wataan safarrada ay doonayaan inay ku gaadhaan Jarmalka iyo meelo kale.
Wasiirro ka kala socda Midowga Yurub ayaa ku shiraya magaalada Brussels, si ay uga wada xaajoodaan dib u dejinta kumannaan qaxooti ah oo dhowaan soo galay.
 
 

Leave a Reply