“Habeenkii Arooskeed Ismay Soo Qurxin”

0
614

Ka dib markii ay maalin keliya aroos lahaayeen ayuu wiilka arooska ahaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda isagoo gabadhiisa iyo qoskeeda ku dacweeyay inay khiyaamo iyo been abuur kula kaceen.  Sida uu daabacay wargeyska  Albilaad ee dalka Aljeriya Arooska ayaa sheegay in aanay  gabadhiisu isu qurxin habeenkii ugu horaysay aqal galkooda.
Wiilka ayaa sheegay in aanu ka filayan gabadha habeenkaasi fool xumadaasi taasi oo u qaatay inay tahay qof kale. Wiilkan ayaa codsaday in la ganaaxo gabadhan iyo qoyskooda loogana qaado lacag dhan 20 kun doller si loogu magdhabo dhibaatada nafsiga iyo macnawiga ah ee soo gaadhay. Dacwadan ayaa noqotay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee maxkamada soo gaadha.

Leave a Reply