Ingriiska: Tartanka Beenalaha Sanadka

0
322

Sheegidda beentu waa arrin xun oo halis , isla markaana khatar  ah oo keeni karta in dhibaato bulsho oo weyni dhacdo. Laakiin waxa yaab leh in tuulo ku taalla dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Will Riston sanad kast bisha Novemeber lagu qabto tartanka dadka beenta badan. Tartankan ayaa loo qabtaa iyadoo lagu xusayo Santon Bridge oo tuulada degenaa isla markaana ahaa asaasihii iyo dadkii hantida lahaa ee ku noolaa qarnigii 19aad. Ninkan ayaa caan ku ahaa qisaska khayaalka ee beenta ah.
 
Tartankan looma ogola inay ka soo qayb galaan siyaasiyiinta iyo Garyaqaanadu iyadoo laga cabsi qabo inay bartaan xirfadaha beenta loo sheegayo oo ay markaasina ku dabaqaan nolosha caadiga ah. Ka qayb galka tartankan ayaa leh  shuruudo  iyadoo ay  ku tartamaan kumanaan qof sanad kasta , kuwaasi oo soo bandhiga qisas kala duwan oo khayaali ah.
Waxaana ku guulaysta qofka dadka ka soo qayb galay ay ku qancaan inay sheekadiisu run aad ugu eeg tahay. Waxaana markaasi la siiyaa abaal marinta lagu magacaabo Beenalaha sanadka.

Leave a Reply