“Waa Nasiib Darro In Xildhibaanada Laga Laaluusho Lacagtii Shacabka Burco”

0
344

Burco (Dawan)- Xildhibaan Cabdilahi Xasan Xaaji Nuur (Laki) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha deegaanka degmada Burco, ayaa waxba kama jiraan iyo been abuur ku tilmaamay warqad qoraal ah oo la sheegay in Xildhibaanku Maayerka Burco kaga dalbaday Lacag, taas oo uu sheegay in ay tahay been abuur laga sameeyay.

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur ayaa todobaadkii hore ku eedeeyay maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Burco Musuqmaasuq iyo lunsi hanti qaran, arrintaasi ayaa ka cadhaysiisay Maayarka, waxaanay taasi keentay in xildhibaano ka tirsan golahaasi ay u jawaabeen Mudane Cabdilaki

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Xaaji Nuur waxa uu sheegay in xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco ee warbaahinta uga jawaabay ay ahaayeen xubno laaluush lagu siiyay in ay difaacaan boobka iyo lunsiga hantida qaranka ee dawladda hoose.

Xildhibaan Cabdilaki isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “arrintaas la sheegaayo in aan lacag ka doontay maayarka oo aan ku idhi xoolaha shacabka iga sii lacag waa arrin aan wax ba ka jirin waa arrin la doonaayo in loogu xil qariyo”

 Mudane Cabdilaki waxa kale oo uu ka hadlay xildhibaano tiro badan oo maalmihii uu dambeeyay warbaahinta ka hadlayay, kuwaasi oo uu sheegay in uu dabada ka riixayay Maayarka magaalada Burco waxaanu yidhi “Maalmihiii ugu dambeeyay waxaa warbaahinta la soo dhoobay xildhibaanno badan, si ay u asturaan musuq-maasuqa uu ku kacay maayarku , waxaana uu maayarku muddo laba cisho ah ku jiray abaabulka xildhibaanadaas isagoo qadar lacag dhan 165 milyan uga soo saaray baanka uguna qaybiyay si ay u asturaan ugana hadlaan musuq maasuqa uu ku kacay Maayar Muraad.” Geesta kalena Maayarka Burco oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suurtogelin ka dib telefoonkiisa oo xidhnaa darteed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply