Ciyaartow Mar Keliya Garoonka Kuwada Dhintay! Ciyaartii Naxdinta Lahayd!

0
493

Geeridu waa xaqiiqo sugan oo basharku isku wada raacay, waxase jir sababaha dhimashada oo kala duwan.
Bishii October  Sanadkii 1998 koox kubada cagta u ciyaaraysay dalka Kongo ayaa mar keliya garoonka dhexdiisa kuwada dhintay magaala madaxda dalkaasi ee Kinishaasa. Kooxdan oo ka koobnayd 11 ciyaartow ee garoonka ku jiray da’dooduna u dhaxaysay 20 -35 sano ayaan mid keliyana aanu ka badbaadin.
Geeridooda waxa sabab u ahaa markii u garoonka ku habsaday danab iyadoo wakhtigaasi uu da’yay  roob. Waxaana yaab noqotay in kooxdii Kongo oo kooxda kale ay isku dhex jireen ciyaartow kasta uu danabku halkiisa ugu tegay isagoo kan kale aan waba yeelin. Ciyaarta ayaa wakhtigaasi taagnayd babrbar dhac iyadoo koox kastaa lahayd hal gool. Waxaana la sheegay in natiijadaasi ay u wanaagsanayd kooxda martida ah. Iyadoo kooxdaasi lagu eedeeyay inay adeegsadeen sixir, kaasi oo sababay  in danabku ciyaartow kasta halkiisa ugu tago.  Kooxda kale ayaanay gaadhin haba yaraatee wax dhibaato ahi sida ay BBC-du tebisay.
Source: World: Africa Lightening Kills Football Team (BBCNEWS 28/10/1998).

Leave a Reply