Gabadh u dhalatay dalka Austerlia aya noqotay qof aad ugu wanaagsan jaarkeeda. Oday jaarkeeda oo ay aad u caawisay aya ka dhintay kana tegay 12 Malyun oo doller kaasi oo ugu dardaarmay inay iyadu qaadato oo sidaasi ay dhaxal ugu hesho.
Warbaahinta Austeriay ayaa cadeeyay in Harris ku geeriyooday da’da 95 sano kaasi oo hantidiisa dhaxal ahaan u siiyay gabadhii ay jaarka ahayeen ee Gray oo xanaanayn jirtay.
Maxkamada magaalada Signi ee dalkaasi ayaa laashay dacawad ay gabadh uu abti u ahaa usoo gudbisay iyadoo sheegtay in odayga abtigeed ah ee dhintay aanu caqli ahaan dhamayn markii uu dhaxal ahaan u siiyay lacagta xadigaasi leeg gabadhan sidaas darteedna aan loo ogolaan inay qaadato.
Dhamaan dadkii xigtadiisa ahaa ee kale ayuu iyagana galay damacaasi. Waxaana la sheegay in dadka ehelka u ahaa odayga aanay ka filayn inuu kaydsaday hanti intaasi gaadhaysa. Laakiin gabadhan jaarkiisa ah ayaa dhaxalkaasi la siiyay iyo weliba gurigii uu ku jiray oo qiima ahaan lagu qiyaasay 10 Malyuun Doler , iyadoo la raacayo dardaarankiisa. Odayga ayaa cadeeyay inay ahayd gabadh naxariis badan. Waxaana lagu dhaleeceeyay qaraabadiisa in aanay marna soo dul joogsan intii uu noola oo uu baahna taageerada sidaas darteedna aanay wax ka helayn dhaxalkiisa.
Gabadha dhaxalka qaadatay ayaa sheegtay in aanay odayga ka filayn inuu lacagtaasi kayd ahaan u haysto, isla markaana aanay rajaynayn inuu iyada dhaxal ahaan u siiyo, laakiin iyadu ay uga jeeday dhinaca daryeelka Adaminimo. Waxayna wakhti badan siin jirtay daryeelkiisa.