Dibadbax lagu Xusay Ardey la Afduubtay

0
410

Kumannaan qof ayaa waxa ay ka qeybgaleen isu soo bax lagu maamuusayo sanadkii koowaad ee ka soo wareegtay 43 ardey oo la waayay oo afduubashadooda  oo xanaaq guud ka dhashay.
Dibad baxa waxaa hogaaminayay waalidiinta ardeyda la la’yahay, kuwaas oo dowladda Meksiko ku khilaafay in ardeyda ay dileen budhcadda daroogada taas oo ay ku sheegeen inay tahay khiyaanada booliska Guerrero.
Madaxweyne Enrique Pena Nieto, waxa uu ballan qaaday in baadhitaan cusub lagu sameynaayo dhacdada.
Laakiin kiiskan waxa uu calaamad u noqday sababta loo waayay kumannaan qof oo Meksiko u dhashay.
Dadkaasi oo dhan waxaa la waayay tobannaankii sano ee ay socdeen qalalaasaha ay ku wada lug leeyihiin budhcadda maadooriyayaasha iyo xoogagga amniga.
 

Leave a Reply