Iiraan iyo Dagaalka Afka ah ee ay ku hayso Sucuudiga

0
362

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa QM ugu baaqay inay baadho sababihii dhaliyay shilka iyo shilalkii la mid ahaa ee ka dhacay sannadkan Xajka.
Haseyeeshee Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale beenisay eedaha ka soo yeedhay Iiran ee ah inay gudashada xajka ay si qalad ah u maareeyeen.
Arrintan ayaa daba socota dhimashada 760 qof oo ku dhimatay cidhiidhiga Jamaratka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga, Cadel al-Jubeyr, waxa uu Iiraan ku eedeeyay in siyaasad ay u badaleen musiibada ay ku dhinteen dad gudanaayay waajibaadka xajka.
Hogaamiyayaasha Iiraan oo ka cadheysan dhibaatada, waxay Sucuudiga ku eedeeyeen maamul xumo.
Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxani ayaa khudbadiisa Qaramada Midoobeey u adeegsaday inuu sii xoojiyo weerarka afka ah ee dalkiisa uu ku hayo boqortooyada Sucuudiga.
Mr Ruuxani waxa uu sheegay in Iiraan ay dooneyso in la baadho waxa sababay musiibada ay ku dhinteen qaar ka mid ah xujeyda.
Labadii maalin ee la soo dhaafay, hogaamiyayaasha Iiraan waxa ay ku celcelinayeen inay ka xanaaqsan yihiin dhacdada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 130 Iiraan u dhashay.
Hogaamiyaha dhanka diinta ugu sareeya Sucuudiga, Mufti Sheekh Cabdul Caziz bin-Cabdullah al-Sheekh, waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Jamaratka ay ahayd arrin ka baxsan waxa uu bini aadamka maamulo.
 

Leave a Reply