Xayawaan Biyaha Aan Cabin, Oo Ku Samaysta Calooshiisa!

0
1560

Isticmaalka Biyaha way ka siman yihiin dhamaan nooluhu, haddii ay waayana noloshu suurtagal uma noqonayso.  Laakiin saynis yahanada ayaa ogaaday  inuu jiro xayawaan aan biyaha cabin oo ku nool dhulka lama degaanka cidlada ah ee Usterliya. Xayawaanka duur joogta ah oo lagu magacaabo Kangro ayaa gebi ahaanba aan cabin biyaha.  Miisaanka xayawaankan ayaa noqday 60 -70 Kg. Waxa kale oo ay sheegeen in marka uu biyaha cabo xayawaankani uu dhinto.
Culimada ayay arintani yaab ku riday madaama jidhka noolaha aanu ka maarmin biyaha, laakiin Saynis yahanada ayaa ogaaday in habdhiska dheefshiidka iyo kan neefsashada ee xayawaankan ay ku rakiban tahay masnac midhaha uu cuno ka sameeya biyo madaaama ay ka kooban yihiin labada atom haydarojiin iyo ogsijiin H2O, labadan habdhis ayaa hawsha biyo samaynta qaabilsan.  Waxaana ay cadeeyeen in mar kasta biyaha jidhku u baahan yahay ay soo saaraan. Waxa kale oo iyana saynis yahanada yaab ku noqotay in xayawaankan aan ka heli Karin lama deegaanka naahida biyaha, sida uu jidhkiisu  u noqday mid u diyaarsan cimilada deegaanka uu Allah (sw) ku beeray. Waxa kale oo ka mucjiso noqday sida jidhkiisu isugu daro labada atoma ee biyo samaynta  taasi oo ah arrin xidhiidh la leh cilimiga kimistariga, iyo weliba midhaha uu  cuno oo si fudud looga samayn karo biyo.

Leave a Reply