Afghanistan: Dib u qabsashada Kunduz

0
326

Ciidamada ammaanka ee Afghanistan ayaa isku dayaya inay dib u qabsadaan magaalada Kunduz, maalin kadib markii ay Taliban ay qabsadeen.
Wariyaha BBC ayaa sheegay in toddobaatan iyo shan boqolkiiba ay magaalada ku jirto Taliban gacanteeda, laakiin waxaa jira meelo la iska caabinayo.
Xabsiga iyo xarunta boliiska laga xukumo ayaa la sheegayaa in dib loo qabsaday.
Ciidamada Maraykanka ee ka howlgalaya Afghanistan ayaa sheegay inay ka bilaabeen weerar cirka ah Kunduz.
Qabsashada Kunduz ee Taliban ayaa loo arkaa ceeb wayn inay ku tahay dowladda madaxweyne Ashraf Ghani, oo xukunka qabsatay sanad ka hor shalay.
 

Leave a Reply